afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
4:08 pm | Posted by

Baarlamaanka Cusub oo Maanta Ansixiyay Gudiga Doorashada Gudoonka Baarlamaanka (Aqriso Magacyada Gudigaasi)

Waxaa Maanta Xarunta gaadiidka Booliiska ee magaalada Muqdisho kulan iskugu yimid Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo maanta ka dooday gudiga Doorashada Gudoonka Cusub ee Baarlamaanka.

Xildhibaano gaaraya 184-Xubnood ayaana maanta iskugu yimid Xarunta Booliiska waxa ayna halkaasi ku ansixiyeen Gudiga Doorashada Gudoonka Cusub ee Baarlamaanka oo la filayo in ay dhacdo 26-ka Bishan aan kujirno.

Kulanka Maanta ay yeesheen Xubnaha Baarlamaanka Cusub ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoonka ay sida KMG ah xildhibaannadu shalay u doorteen General Muuse Xasan Cabdulle oo fadhigaasi ka aqriyay Magacyada Gudiga Doorashada Gudoonka Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Magacyada Gudigaasi ayaa kala ah.

1)Caasho Xaaji Cilmi————————– (Gudoomiye)
2)Xasan Macalin Xuseen———————–(Gudoomiye-xigeen)
3)Nuur Iidoow Beyle—————————-(Xubin)
4)Maxamed Maxamuud Guure—————–(Xubin)
5)Sahro Jaamac Cali—————————-(Xubin)
6)Ciise Maxamuud——————————(Xubin)
7)Maxamed Ismaaciil—————————(Xubin)
8)Khadiijo Maxamed Diiriye——————–(Xubin)
9)Caadil Sheegoow Sagaar———————(Xubin)
10)Maxamed Warsame————————-(Xubin)
11)Fowsiyo Maxamed Sheekh——————(Xubin)
12)Cismaan Libaax—————————–(Xubin)
13)Sahro C/qaadir——————————(Xubin)
13)Ciise Maxamed Cali————————-(Xubin)
14)Feysal Cumar Guuleed———————-(Xubin)

Gudoonka KMG ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaana kama dambeys ku sheegay in Doorashada Gudoonka Cusub ee Baarlamaanka in ay dhaceyso 26-ka Bishan inta ka horeysana la qaban doono araajida Xubnaha u tartamaya Xilkaasi.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM