Majaajiliistayaal uu ka mid yahay Cabdi Muriidi dheere Ajakis oo ka cararay Muqdisho kadib markii la dilay marshaale..
Waxaa magaalada Muqdisho ka kala cararay fanaaniin majaajiilistayaal caan ah tan iyo wixii ka danbeeyay markii marshaale la dilay.
Cabdi muriidi dheere oo ay somalida u yaqanaan Ajakis iyo Cabdi Maxamed ilkacase oo lagu Xasuusto sheekadii LACALA oo ay Wada sameeyeen Majaajiliistihii caanka ahaa allaha u Naxariistee Jayte, ayaa ka mid ah majaajiilistayasha muqdisho ka cararay.
Ajakis ayaa hada ku sugan magaalada Hargaysa , waxaana la sheegay in uu wacad ku maray in uusan Magaalada Muqdisho ku laaban doonin inta ay socdaan dilalka Wariyayaasha iyo Majaajiliistayaasha.
llah u naxariistee Cabdi Jeylaani Malaaq (Marshaale) oo ka tirsanaa Majaajiliisteyaasha caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa waxaa dilay Kooho Hubeysan waxaana la dilay asaga oo sooman 31 bishiii Julay ee bishii a soo dhaafay, Xili uu isku Diyaarinayay afurka waxaana lagu dilay afaafka hore ee Hoyga uu ka daganyahay Degmada waabari.
Fu,aad Karaama
Laascaanood
Afbakaylenews@gmail.com
ka carar mahee ka roor waxaan wa aduli waxay dilaan ka xoogbadan iyo kan ka xoogyarba mid madhaafan waa waraabooween sxb ajakisoo waxaad aad halkaas iyo canada oo fanaaniinta reer canada ajakis u gargaara meesha wa alasiku cunayaa oo marshaale kuwii dilay dameerna waa ka caqli xunyhiin