Maxaa kasoo Baxay Kulankii Adkaa ee Madaxweyne Shariif iyo Beesha Caalamka uga socday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho?
Wararka aan ka heleyno Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw gudaha Garoonka in uu kasooo dhamaaday Kulan Xasaasi ah ay lahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xubno kasocday Beesha Caalamka.
Kulanka ayaa ahaa mid ilbaabada u xirnaayeen waxaana yeelanayay Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ,Ergayga Gaarka ah ee Qaramida Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ,Xubno kasocda Beesha Caalamka sida Safiirada Mareykanka iyo Britain iyo qaar kamid ah Safiirada Soomaaliya kusugan ee wakiilada ka ah Qaar kamid ah Wadamada Caalamka .
Kulankan ayaa diirada lagu saarayay xiliga kala Guurka iyo sidii ay u dhici lahaayeen Doorashooyinka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuxigeenadiisa oo la shaaciyay in ay dhaceyso 26-ka Bishan iyo sidii loo dar dar galin lahaa dhameestirka Qorshaha Road-mapka..
Madaxweyne Sheekh Shariif waxa uu wali ku doodayaa uuna ka codsaday Beesha Calamka sida aan wararka ku heleyno sidii dib loogu celin lahaa looguna dari lahaa Xubnaha Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya xubno taageersan iyo Hogaamiyo kooxeedyadii Soomaaliya.
Madaxweynaha oo Kulanka kadib hadlay ayaa sheegay in Xubnaha Beesha Caalmka ay kawada hadleen Xaalada Kala guurka iyo sida looga gudbi karo isagoona xusay in ay isla garteen in la dar dar galiyo Qorshaha Road-Mapka.
Madaxweynaha waxa uu xusay in Beesha Caalamka ay go’aan isku mid ah ka qaateen Gudiga Farsamada ee soo xulayay Baarlamanaka Cusub kuwaa oo dib usoo celiyay xubno badan ay kujiraan Hogaamiyo Kooxeedyadii Dalka iyo Dhinaca Wadaada gaar ahaan kuwa ku dhaw dhaw Madaxweynaha.
Madaxweynaha Ma faah faahin is afgaradka isaga iyo Beesha Calamka ka gaareen Xubnihii lasoo celiyay in dib ugu laabanayaan Baarlamaanka iyo in sidii loo celiyay ay arintu tahay xubno kalana lagu badalayo.
Kulanka ayaana la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxdii kasocotay Beesha Caalamka uu la kulmay ay isku raaceen sidii loo dhameestiri lahaa Doorashooyinka iyo si isku mid ah iskugu waafaqeen sidii wax walbo sidii loogu tala galay loogu dhameyn lahaa.
Kulankan ayaa kusoo adaya xili Soomaaliya ay KMG ka baxday Baarlamaanka Cusubna loo dhaariyay sidoo kale Waqtigeead uu dhamdaay Dowlada KMG ee Soomaaliya ,dhawaana la filayo in Doorashooyin dhacaan.
doofaar shRIIF ASAGAA MAHIIGEISKUSIIDAAYAY KAXAAXAABI HADA