afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:35 am | Posted by

Raizul Wasaaraha Dalka Itoobiya oo si Rsami ah loo Xaqiijiyay in uu Geeriyooday

Raizul Wasaarihii Dalka Itoobiya Males Zanawsi ayaa la xaqiijiyay in uu geeryooday kadib xanuuno mudooyinkan hayay uuna la jiifay Isbitaal kuyaala magaalada Barasalis ee dalka Bijimka.

Talefishinka Qaranka ee Dalka Itoobiya ayaa laga shaaciyay in uu dhintay Raizul Wasaarihii Itoobiya Miles Zanawi ,War laga sii daayay Telefishimnka ayaa lagu sheegay in uu goordhaw geeriyooday.

Shacabka Itoobiya ayaana aad u hadal haya Geerida Kutimidi Hogaamiyahooda talada dalkaasi soo hayay xili ay horey dhoor mar usoo baxeen Warar ku aadanaa in uu geeriyooday.

Xilka Raysal wasaarnimada Ethiopia ayaa si KMG ah waxaa loogu dhiibay kuxigeenkiisii ahaana wasiirka arrimaha dibadda Hailmariam Desalegn kaasi oo talada hayn doona inta doorashooyin ka dhacaayaan dalka

Hogaamiyahan geeriyooday marka loo eego Dalka Soomaaliya saameyn badan ayuu ku lahaa ,dhinaca Siyaasada iyo Dhinacyo badan ,Shacabka Soomaaliyeed ayaana badi muujiyayahadii uu Zanawi meesha ka baxay in Siyaasada Soomaaliya ee Itoobiya wax badan iska badali doonaan.

Taariikh Miles Zanawi oo kooban.

Meles Zenawe ayaa ku dhashay May 8, 1955 Adwa Waqooyiga Ethiopia waxana uu waxbarashadiisii hoose ku soo qaatay Queen of Sheba Junior Secondary School waxana uu dugsiga sare dhamaystey 1972 General Wingate School ee magaalada Addis Ababa.

Zenawi ayaa markaa kadib ku biirey jaamacada Addis Ababa kulliyadeeda Caafimaadka muddo labo sano ah. Mr Meles ayaa joojiyey waxbarashadiisii sanadkii 1974kii isagoo ku biirey jabhadii la oran jirey Tigrai Peoples Liberation Front (TPLF).

Sanadkii 1979kii waxaa loo doortay inuu xubin ka noqdo golihii hogaaminta ee TPLF, waxana uu ka mid noqday sanadkii 1983dii guddigii fulinta ee jabhadda. Zenawi ayaa guddoomiye u noqday TPLF iyo EPRDF oo ay ku midoobeen afar urur siyaasi ah oo ka jirey Ethiopia sanadkii 1989.

Markii la afgambiyey xukuumadii hore waxa uu noqday Zenawi madaxweynihii ku meelgaarka ahaa ee Ethiopia intii u dhexeysay 1991-1995. Hase yeeshee sanadkii 1995tii ayaa loo doortay

R/wasaaraha xukumada Federalka Ethiopia waxana mar kale dib loo doortay sanadkii 2000. Zenawi ayaa noqday guddoomiyaha ururka Midowga Afrika june 1995-june1996.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM