Salman Khan uma u dabaaldagin farxada Ciidda laakiin Shahrukhan iyo Aamir Khan way xuseen
Salman Khan oo ah jilaa lagu yaqaano inuu yahay cilmaani kana qeybgalo xafladaha India Dhan sida kuwa Hinduska iyo Kirishtaanka ayaa waxuu markaan ka gaabsaday inuu Ciidda Muslimka u dabaaldagayo , isagoo sabab uga dhigay in Aabaha dhalay saaxiibkiisa Riteish Deshmukh uu geeriyooday sidaa darteed uu doonan inuu xaflad ama qado sameeyo oo ku aaddan Ciidda.
Balse hooyada Dhashay Salman oo Salma la yiraahdo ayaa qado u habeysay caruurta ay ayeeyada u tahay oo ay dhaleen walaalahiis iyo martida , halka uu Arbaaz Khan isna aad ugu dabaal dagay Ciidda oo uu ku qilaafay walaalkaas Salman iyadoo uu Arbaaz sanad waliba qado kala xiran u habeeyo asxaabtiisa uuna u dabaaldago maalintani.
Salman aaa ah nin aan la fahmi karin oo jecel inuu ka duwanaado dadka isagoo markuu doono iska sameeyo waxyaabo cajiib ah.
Hore waxaa la xasuustaa sanadkii 2009 in uu Salman gurigiisa uga gacan haatiyay taageerayashiisa oo kusoo buuqay maalinkii Ciidda isagoo kaliya in yar baashaaliyay.
Shahrukhan oo ah Jilaaga haatan ugu cadcad Bollywood ayaa gabi ahaanba qilaafsan arrinkas isagoo si weyn ugu dabaaldagay ciidda maadaama uu sheegay xataa inuu soomanaa , waxuuna isagoo filim sameynaya la hadlaay saxaafadda isagoo u rajeeyay taageerayaashiisa iyo intii soomaneed Ciid Mubaarak , King Khan ayaa waliba hambalyo usii raaciyay dadka .
Jilaaga Aamir Khan iyo xaaskiisa iyo wiilkiisa oo booqanayay Mareykanka ayaa iyagana xusay inay maalinta Ciidda u dabaaldageen si fiican iyagoo guriga ku karsaday bariiska caadada India ee la cuno maalinta Ciidda ah ee loo yaqaano Biryani ayagoo halkaasi ku dmaashaday.
Waxaa ay dhanka kale bogooda twitter hambalyada ciida kusoo diray Jilayaasha kala ah Amithab Bacchan , Priyanka Chopra, Preity Zinta, Arjun Rampal, Anupam Kher, Bipasha Basu, Vivek Oberoi, Abhishek iyo kuwa kale oo badan.
Fu,aad Karaama
Laascaanood
Afbakaylenews@gmail.com
Asc taas waxaan u arka laga shekaynayo waaa beeenta la dhudhubaya waan beeen iska cada kuwaas la laleeyahaya cid mubaraki ayaya u dabal dageen waaaa beentooooda diinta islamka ayayay ku ciyaranayan
hehehehe Scwrwb horta bahda reer jorre aad baan idiin salaame, waana idiin bygoadinaae, waad mahadsantihiin. Waxaan arke Waamonews oo qaaylin hays, adaan ugu farxe. waxa la dhehee afkaad oo af ka celinin waa alle ka gooy.marka kuwaas oo qurunke eh. ruux naga qabto waaba le een bo. marka had waa cabaadeene haka daina. guuleesta.