WAR SIR AH:- Labada Shariif oo markaan is kula dhegan ninka laga dhigi lahaa gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, iyo qof walba oo nin keensaday.
Iyadoo horay loo hadal haayay in musuq maasuqbaahsan uu ka jiro xagga baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa hadana waxaa jirta in markaan ay ka dhex tolan tahay labada Shariif taas oo ku kala saabsan cida noqoneeyso gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana qof waliba uu wataa cid u gaar ah.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa la sheegay inuu markaan wato nin kasoo jeeda beesha Abgaal si uu u noqdo gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoona doonaaya in meeshaas uu ka saaro arinta ah in Madaxweynaha iyo gudoomiyaha aanay si gaar ah u kala lahayn beelo gaar ah laakiin meesha ay tahay mid wadaag ah.
Laakin Madaxweyne Shariif oo isaga baneeysanaaya kursiga uu haatan haayo ayaa waxa uu isna wataa nin la sheegay inuu kasoo jeedo beesha Digil iyo Mirifle,iyadoona taasi ay jahwareer labada Shariif ku kala riday, waxaana jirta mid walba olole gaar ah oo uu wado, misane uu ku doonaayo inuu isaga madaxweyne noqdo.
Sidoo kale waxaa jirta in labadooda ay siyaabo kala gooni gooni ah ay kulamo hoose ula yeelanaayeen saaxiibkood Mahiga, si qof walba ay uga dhaadhiciso waxa ay doonayso iyo qorshaha ah ay kala wataan in qof walba ay si gaar ah u fushato, taas oo amakaag iyo layaab ku noqotay Mahiga qudhiisa.
Hadaba waxaa jirta in markaan xaajada ay u muuqato qof waliba nasiibkaa, iyadoona meesha ay ka baxday siyaasadii iyo is fahamkii ka dhexeeyay Shariifyada, waxaana markaan lasoo gaaray xilligii wax walba ay soo af jarmi lahaayeen, lamana oga sida ay xaaladda ku dambeeyn doonto. Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.