afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:46 pm | Posted by

Daawo+Sawiro:Munaasibad Lagu Soo Gaba Gabaynayey Tartan Aqooneed Dhexmaray Xaafada Magaalada Buuhoodle Oo Ka Dhacday Magaalada Buuhoodle

Munaasibadan oo lagu soo gaba gabaynayey tartan aqooneed u dhexeeyey xaafada kala duwan ee Magaalada Buuhoodle oo ay maalgalinaysay Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom Isla mar ahaan taana ay baahintiisa ay lahayd Idaacadda Daljir oo ka hawl gasha Deegaano badan oo ka tirsan gayiga soomaaliyeed ayaa dhacday Magaalada Buuhoodle, iyadoona munaasibadaasi ay kasoo qayb galeen Maamulka Gobolka Cayn, Waxgarad, Aqoonyahano, Culuma awdiin, Ganacsato, Dhalinyaro, Ururada Bulshada, iyo Marti sharaf kale oo aad u tira badan.
Munaasibadani ayaa intii ay socotay ayaa waxaa hadalo kasoo jeediyey mas’uuliyiintii iyo madaxdii kasoo qayb gashay, iyagoona dhamaantood si aada usoo dhoweeyey tartan aqooneedkaasi isla mar ahaan taana ku dhiirigaliyey Wakaaladihii ka qayb qaatay, iyo Ururka Dalsan oo lahaa fikirka tartankaasi in ay halkaas kawadaan dadaalkooda.

Sidoo kale munaasibadani ayaa intii ay socotay waxaa shahaado sharafyo la gudoonsiiyey Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom oo lahayd maal galinta tartankaasi, iyo Idaacadda Daljir oo baahinaysay isla tartankaasi.

Munaasibadan oo ahayd mid balaadhan ayaa sidoo kale waxaa iyana abaal marino kala duwan la gudoonsiiyey dhamaanba xaafadihii galay kaalmaha Kowaad, Labaad, iyo Saddexaad.
Hadaba munaasibadani ayaa kusoo dhamaatay jawi dagan, iyagoona dhamaanba dadkii kasoo qayb galay ay si weyn ula dhaceen hadaladii ay kasoo jeediyeen mas’uuliyiintii kasoo qab gashay iyo waliba sida loosoo agaasimay munaasibadaasi.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawiro……..

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM