Musharaxiinta u tartameeysa xilka madaxtinimada Soomaaliya oo bilaabay xod xodasho ay ku hayaan xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.
Iyadoo dhawaan ay si toos ah u shaqo bilaabeen xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa hadana durba waxaa bilaabatay xod xodasho loogu jiro xildhibaanada, iyadoona musharaxiinta ay bilaabeen inay xod xotaan xildhibaanadaas.
Waxaad ku arkeeysaa Hotelada waaweyn ee ku yaala magaalada Muqdisho oo meel laga kala istaago la la’yahay, ka dib markii halkaasi siyaabo kala duwan loogu casuumaayo xildhibaanada baarlamaanka islamarkaana ay casuumayaan musharaxiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxaad arkeeysaa musharaxiinta oo mararka qaar xitaa tagaaya goobaha magaalada Muqdisho ay ka degan yihiin xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, taas oo ka dhigan in markaan ololaha doorashada uu yahay mid aad usii kacay.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in dhanka Shariifyada iyo Gaas ay iyana yihiin kuwo si tartiib ah u fadhiya xafiisyadooda maadaama la sheegay in dhamaan xildhibaanada halkaasi jooga ay yihiin kuwo ay iyaga keensadeen, misane codka siin doona.
Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayaa waxaa la filaayaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada
madaxtinimada dalka Soomaaliya, waxaana jirta dadaalada faraha badan ee ay wadaan mush
Fu,aad Karaama
Laascaanood
Afbakaylenews@gmail.com