War Dag Dag ah:Afar Ku Dhimatay Shil Gaadhi Maleeshiyada Somaliland Oo Ka Dhacay Duleedka Laascaanood-
Waxaa maanta ka dhacay dooxada Abeesaley oo dhanka galbeed ka xigta Magaalada Laascaanood,Shil gaadhi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Gaadhigan gedoomay ayaa waxaa la socday maleeshiyo ka tirsan maamulka Somaliland.
Wararku waxay sheegayaan in afar kamid ahi is la goobtaas ku geeriyoodeen, tobaneeyo kalena ay soo gaadheen dhaawacyo qaarkood ay halis yihiin.
Maleeshiyadii ku dhaawacantay shilkan ayaa loola cararay dhanka magaalada Burco, meesha maydkiina lagu aasay xerayaha maleeshiyadaasi ku leeyihiin duleedka Laascaanood.
Wixii Warar Ah ee kasobaxa Shilkaas dib ayaan idinka soo gudbinaynaa
Fu,aad Karaama.
Laascaanood
Afbakaylenews@gmail.com
Looms Ooyaan,waxaan dulmi ahayn la hortagi maayaan Eebbe.
xildhibaanada Deegaanka SSC oo ay isku haysteen Maamulka Puntland iyo khaatumo ayaa hada hawshoodii dhamaatay iyadoo ugu dambayntiina loo kala qaybiyey ,Maamulka Puntland oo sheegta inuu Maamulo Deegaanka Dhulbahantaha ayaa ku adkaystay inuu xaq u leeyahay soo xulista qaybka mid ah xildhibaanada Khaatumo,madaxweyne Faroole iyo C/wali Gaas oo Kaashanaya odayaal Reer Buuhoodle ah gaar ahaan Boqor C/laahi Axmed Cali iyo Caaqil Maxamuud Xaaji Cumar, oo aan iyagu aaminsanayn Maamulka Khaatumo ayaa si toos ah kula shaqeeyey maamulka Puntland halka Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ,Ugaas C/laahi Ciise iyo Suldaan Siciid Cismaan ay si dadban ula socdeen Madaxweyne Faroole,inkasta oo xildhibaanadan cusub ay yihiin kuwa xaq u leh xilalkan la siiyey hadana waxaa meesha ka muuqata in Afartii xubnood ee Issimada Dhulbahante uga qayb-gashay shirkii Odayaasha Soomaaliyeed oo kala ahaa Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil,Garaad Saleebaan Garaad iyo Ugaas C/laahi Ciise Nuur uu mid kasta helay xubnihii uu doonayey inuu ka darsado Baarlamaanka Cusub,iyadoo Boqor C/laahi, Suldaan Siciid iyo Xaaji Maxamuud X.Cumar Camay oo aan iyagu ka mid ahayn shirkii 135 Oday ay xubnahoodii ka heleen dhanka Maamulka Puntlad. si kastaba ha ahaato ee waxaa muuqata in qaarka mid ah Issimada dhulbahante aanayn ka dhab ahayn qaadashada Babda’a Khaatumo laakiin baqdin ay ka qabaan Jaaliyadaha ay ku kaliiftay in ay hoosta kala shaqeeyaan madaxweyne Faroole.
akhriso xildhibaanada Beesha dhulbahante
1,Xildhibaan Cabdiyare maxamed Cali (Baho Nugaaleed. Xassan Ugaas) Ugaas C/laahi Ciise ( ,Political Ideology puntlander )
2.Xildhibaan Cabdi Cabdilaahi Maxamed (Maxamuud,Garaad. Ugaadhyahan- Nuur Axmed), Garaad Saleebaan ( Political Ideology punt-lander
3,Xildhibaan Siyaad Maxamuud Shire (MG.Ugaadhyahan Naalaye Axmed) Garaad Saleebaan ( Political ID Puntlander )
4,Xildhibaan C/waaxid Shiriif ( MG. Jaamac Siyaad ) Garaad Jaamac G.Ismaaciil (Political ID. Khaatumo State)
5, Xildhibaan Cabdillahi Xasan Rooble ( B.N ,Hayaag, Amaan Same) Boqor C/laahi Axmed Cali ( Political ID Punt lander)
Xildhibaan Saado Cali warsame (B.N, Khaalid, Wacays) Boqor C/laahi Axmed Cali ( Political ID, Punt lander)
Xildhibaan C/risaaq Maxamed Yuusuf jinac “ Qoobcad”( Faarax Garaad, Aadan Axmed) Boqor C/laahi Axmed Cali ( Political ID, Punt lander)
Xildhibaan Prof. Cali Khaliif Galaydh (FG, Baharsame) Garaad Jaamac Garaad Cali (Political ID ,Khaatumo state )
www. buhodlepost.com
Ahmed Ismaaciil,