afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:14 am | Posted by

XOG CULUS:- Kadib kulan ka dhacay Villa Somalia khilaafka Madaxweyne Shariif iyo Dr, Mahiga oo xoogaystay.

Arimaha doorasha dalka ayaa maraya meel xasaasi ah marka loo eego ololaha ka socda Villa Soomaaliya iyo weliba tan ay wadaan Musharaxiinta u taagan xilkaasi u taagan ee jooga Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, intaas kadib waxaa soo baxaya eedeymo.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Sheikh shariif Sheikh Axmed ayaa haatan waxaa uu Madaxtooyada Soomaaliya ka wadaa olole balaaran xili uu sii kordhayo khilaaf u dhexeeya isaga iyo Ergeyga Gaarka ah Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya Agoustina Mahiga.

Ilo ku dhow Madaxtooyada iyo xaruunta Xalane oo aan helayno ayaa sheegaya in uu jiro khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ergaygaasi kaas oo ku salaysan arimaha kala guurka ah ee dalka ka socda, iyo weliba talaabooyin uu qaaday Madaxweyne Shariif.

Khilaafka Madaxweyne Shariif iyo Dr, Agoustina Mahiga ayaa noqday mid si rasmi ah u bilowday habeen kadib markii Madaxweynaha iyo Mahiga ay shir jara,id ku wada qabteen Muqdisho oo ay kaga hadleen arinta soo xulista, shirkii ka dambeeyey kulankaasi waxaa la sheegayaa in ay xaaladu mid halis ah ka gaartay labbada Masuul.

Dr, Agoustina Mahiga iyo Madaxweyne Shariif kulan ay ku wada qaateen xaruunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayey kaga arinsadeen arinta rag la fasaxay ee ay AMISOM sheegtay in ay yihiin Argagixiso ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo ay ku jiraan rag cadaan ah oo ilaa hadda muran ka taagan yahay sii deyntooda.

Goobta raga laga sii daayey saxafiyiin ku dhow dhow oo ay la xiriirtay cartaNews.com ayaa sheegaya in raga la sii daayey ay ku jiraan dad u dhashay Bangaladhesh kuwaasi oo kuwa tirsanaa kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab oo dagaal kharaar kula jirta AMISOM iyo ciidamada Dowlada.

Qoraal dhowaan uu gudbiyey Dr, Agoustina Mahiga ayaa waxaa uu kaga hadlay xaalada Amniga ee dalka Soomaaliya isagoo tibaaxay in uu jiro Amni iyo xasiiloni dalku fooda la galay, basle waxaa uu qoraalkiisa oo laga baahiyey wakaalada wararka Qaramada Midoobey uu ku sheegay in ay jiraan qolyo weli hortaagan dhamaadka wakhtiga kala guurka.

HOOS KA AKHRI QORAALKA MAHIGA EE UN-KA.

Khilaafka Madaxweyne Shariif iyo wakiilka Qaramada Midoobey Dr, Agoustina Mahiga ayaa waxaa ay bilaabatay markii la isugu yimid shirkii ugu dambeeyey ee saxiixayaasha Road Map-ka kaasi oo lagu go,aamiyey qodobo dhowr ah oo aan u cuntamin Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed.

Madaxda AMISOM ayaa haatan weli waxaa ay ka andacoonayaan sii deynta dadkii laga sii daayey xabsiyada Muqdisho ciida darteed kuwaasi oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, iyadoo ay weli socoto eedeynta ku aadan Arintaasi oo ku dhacaysa Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Sheikh shariif sheikh Axmed.

QORAALKII MAHIGA EE UN-KA.

“” Augustine Mahiga: There have been various categories of spoilers that we have been having to deal with over the past 10 months. There were those who were deliberately obstructing change so as to make sure that the status quo is maintained and extended. There were those who have been seeking to put people in place in the Government and to seek policies of sectoral and narrow interest.

We started with the warlords, and once they were contained, we saw some parliamentarians who were trying to seek to extend their own [terms] – in doing so, they are obstructing the people process. But currently we have seen elements trying to dilute, obstruct and even compromise the integrity of the process of ending the transition, through intimidation, through bribery and peddling of influence. We categorize these as spoilers.

The international community, and especially the regional actors – the African Union and the Inter-Governmental Authority for Development – have passed several resolutions addressing the issue of spoilers and have suggested various ways, in combination with what the Security Council has been repeatedly reminding Somalis, that sanctions can be evoked for those who are definitely identified as spoilers.

We have sent warnings, but they are definitely going to be followed by actions which are backed by resolute resolutions and decisions of [one of] the highest bodies in the region and in the world – that is, the Security Council.“

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM