afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:03 pm | Posted by

Farmaajo oo Heesta Codadka iyo Kasoonida ugu Badan ee Baarlamaanka Cusub (Xubnehee ugu badan oo Taageersan)

Waxaa soo baxaya in kalsooni badan uu ku dhaxleeyahay Raizul Wasaarihii Xukuumadii TAYO Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) Xubnaha Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya ee dhawaan la filayo in ay doortaan Madaxweyne.

Farmaajo oo ah Nin Aqoonyahan ,Siyaasi dadku wada jecelyihiin kana mid ah Musharixiinta xiligan ugu cad cad in ay kusoo bixi karaan Doorashada Madaxweynanimo ee Soomaaliya ayaa heesta Taageerada ugu badan ee Shacabka Soomaaliyeed iyo xubno badan oo katirsan Baarlamaanka.

Waxaana hada soo baxaya Warar ku aadan in Farmaajo uu codad badan ka helayo Xildhibaanada Cusub, maadama Xildhibanada hada lasoo xulay ay u badanyihiin dad Qurbo jog ah ,aqoonyahano u baahan in ay doortana Hogaan la aamini karo oo dalka isbadal kasameen kara.

Xubnaha Baarlamaanka ee hada kujira una Badan Aqoonyahano iyo Qurbo joog ayaa farmaajo u muujiyay kalsoonida ah in ay isaga u codeen doonaan uuna yahay nin u qalma in uu Dalka Madaxweyne ka noqdo si Umada Soomaaliyeed ee jacel u sama tabixiyo.

Xubnaha hada taageersan loona badinayo in Farmaajo u codeyn doonaan ayaa ka badan 100-Xubnood kuwaas aanan Farmaajo ku raacin Lacag iyo laaluush, balse ay ku doorteen in uu yahay Hogaamiyo Nadiif ah oo dalka Hogaamin kara.

Xubno badan oo katirsan Baarlamaanka Cusub ayaa lasoo sheegayaa in ay tagaan Guriga uu Muqdisho ka dagan yahay Farmaajo si ay ugu muujiyaan in ay dhinaciisa yihiin una Codeen doonaan.

Hogaamiyaha Taageerada Badan ee Farmaajo ayaa heesta Kalsoonida ugu badan ee Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale Farmaajo uu xiligan helayo Taageerada Beesha Caalmka taa oo fududeenaysa in Farmaajo uu Noqdo Madaxweynaha Soomaaliya ee dhawana la filayo in la doorto.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

4 Comments for “Farmaajo oo Heesta Codadka iyo Kasoonida ugu Badan ee Baarlamaanka Cusub (Xubnehee ugu badan oo Taageersan)”

  1. Axmed
    August 23, 2012 - 10:49 pm

    laba mid kee raacnaa

    ma Dr Cali Khalif mise Dr Farmaajo

    sababtoo ah hadii cali isu sharaxay Baarlamaankii Farmaajo heli maayo madax wayne iyo raysal wasaare midna

    haddaba yeeynu taageernaa taliyoo

    Reply
  2. nooloow madaaloow
    August 24, 2012 - 9:35 am

    haa wa suaal fiican lakin anaga hadaan nahay kunfurta somaliya qaasatan magaaalada mugdisho waxaa si weyn u soso dhaweeyneeynaa farmaajo cali khaliif wuxux yahay horey ayaan u soo aragnay abaa hadda farmaajo hadaadqabiil ama mugdisho yaa leh is leedahay mugdisho waqtigii la lahaa hawiye ayaa leh weey ka gudubtay hawiye asigaa raba farmaajo waan dhimanay sidaan isku laheeyn hawiye aya tihiin mugdisho idinka leh ee ha yeelinina 20 sano ayeey na garsiisay maxaa ka helnay aan qasaaro eheyn war farmaajo iyo cali khaliif labadooda hanoo taliyaan

    Reply
  3. Ismacil wadani
    August 24, 2012 - 5:36 pm

    Waa sax inader sanadkan waxaa ladhahaa yaynu isku dan nahay no yaynu isku qabil nahay

    Reply
  4. keligiiduul
    August 25, 2012 - 4:10 am

    cali khaliif madaxweyne isuma sharaxin,

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM