DHAGAYSO:Hilibka waraabaha oo raqiis ka noqday Kismaayo iyo seynta Waraabaha iyo Saliidiisa oo qaali noqdeen
Sida ay Warbaahinta u sheegeen dadka reer Kismaayo waxaa Magaaladaasi hoos u dhac laga dareemayaa qiimaha la kala siisto kiilada Hilibka waraabaha,waxaana qaali kasii noqday Saliidiisa.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo aan kala sheekeysanay sida xaalka uu yahay ayaa sheegay in maalmahaan magaalada uu kusii yaraanayo keenista hilibka waraabaha,laakiin waxaa uu xusay inuu qaali yahay subaga waraabaha sida uu sheegay.
Ugu horeyn mid ka mid ah dadka deegaanka oo ka gaabsaday magaciisa ayaa sharaxaad ka bixinaya qiimaha kiilada hilibka ay ka joogto Magaaladasi Kismaayo.
Wuxuu sheegay in kiilada hilibjka waraabaha markii hore ay ahaan jirtay 20$ laakiin hada lagu kala iibsado 150-kun oo shillinka Soomaaliga ah.
Dhanka kale waxaa uu sheegay in magaalada qaali ay ka noqotay seynta waraabaha sida uu xusay,waxaana uu sheegay in kiishkiiisa ay sii marayso lacag dhan inka badan 100 doolar,hadaba maxay tahay faa’idada ku jirto waa kan markale isaga oo sharaxayo.
Wuxuu sheegay inuu maqlay inay u wanaagsan tahay jinka iyo sidoo kale in raganimada ay wanaajiso
Sidoo kale waxa uu xusay in saliida waraabaha ay qaali ka tahay magaalada Kismaayo,waxaana uu ka sheekeynayaa qiimaha ay joogto iyo waxa ay kaga duwan tahay saliidaha kale ee laga dhaliyo xoolaha aan dhaqano.
Hadalkiisa ayuu intaa raaciyay inay u wanaagsan tahay sida la sheegay saliida waraabaha sixirka iyo waxyaabo kale.
Marka laga yimaada hadalka uu Idaacadda Risaala u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka Kismaayo Haddana waxaan la sheekeysanay dad deegaan ahaan kasoo jeeda Kismaayo oo ku sugan magaalada Muqdisho iyo dadkii ugu dambeeyay ee ka yimid magaalada,waxaana dhamaan ay noo xaqiijiyeen in magaalada lagu iibiyo hilibka waraabaha qiimo kororna uu jiro.