afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:00 am | Posted by

Madaxweyne Shariif oo Rajadiisii dib usoo laabatay Durbana bilaabay ololihiisa iyo Taageerayaashiisa oo Hurdada ka kacay

Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaaday ee Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay ahaa mid aad u mashquulsanaa kuna dadaalayay sidii uu mar un Baarlamaanka ugu dari lahaa Xulufadiisa aadka ugu dhawaaa ayna kujireen raga Hogaanka u haya Ololaha Doorashadiisa.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyn shalay ku guuleestay in Xulufadiisa kamid noqdaan Baarlamaanka Cusub durbana la siiyo kaararka aqoonsiga iyadooan Maanta lagu wado in la dhaariyo.

Madaxweynaha ayaa hada boorka dib uga jafaya ololihiisa Doorasho, isagoona kulamo qarsoodi ah oo gaar ah la leh Xubno katirsan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya Odayaasha Dhaqanka iyo dad kale uu u arko in ay Ololihiisa wax ku kordhin karaan.

Waxa uuna hada Madaxweynaha qabaa in uu markale kusoo bixi karo Doorashada Madxaweyne hadii aysan culeesyo kale kusoo furmin ,waxaana hada hurdada ka kacay oo markii hore niyad jabsanaa Taageerayaasha Madaxweynaha meel kasto ay joogaan.

Xubnaha Shalay lagu Daray Liiska Baarlamaanka Cusub ayaa waxaa kujira raga hogaanka u haya ololaha Doorashada Madaxweynaha sida Xasan Macalin Maxamuud oo ah Ninka Madaxweynaha ugu tala galay in uu gudaha Baarlamaanka ugu ololeeyo una soo xero galiyo Qaar kamid ah Xildhibaanada oo loo sameenayo Balan qaad.

Madaxweyanah ayaa sidoo kale markaan Wada Qorsho uu Dib uga soo darayo Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya Rag isaga Siyaasad ahaan taageersan kuwaa uu doonayo in lagu badalo Xubnhihii horey loo soo celiyay ee u badnaa Hogaamiyaasha Kooxaha.

Raga u qaabilsan Kaambeynka Doorashada Madxaweynaha ayaa hada ah kuwa aad u mashquulsan kana shaqeenaya sidii Mdaxaweynaha Soomaaliya ee Xiligiisu dhamaaday mar kale loogu soo dooran lahaa Madaxweynaha Soomaaliya .

Fu,aad Karaama

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

1 Comment for “Madaxweyne Shariif oo Rajadiisii dib usoo laabatay Durbana bilaabay ololihiisa iyo Taageerayaashiisa oo Hurdada ka kacay”

  1. aniga
    August 23, 2012 - 12:26 pm

    somalia asaga wax u dhaama ma leh

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM