Daawo Sawirada:Wax Yeelo Caruur Ka Soo gaadhey Duqeyn Ka Dhacday gobolka Gedo
Diyaaradaha Dagaalka Kenaya ayaa shalay Duqeyn waxyeelo geesatay waxa ay ku garaaceen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo halkaas ay ka taliyaan Xarakada Al-Shabaab.
Diyaradaha Dagaalka Kenay ayaana dhoor Gantaal ku dhuftay Magaalada ,waxaana ka dhashay Dgaawaca laba Caruur ah aan waxbo galabsan ,kuwaa oo hada lagu daweenayo Isbitaalka Magaaladaasi.
Ma jiraan qasaarooyin kale oo ka dhashay Duqeyntaasi marka laga reebo caruurtaasi dhaawac uu kasoo gaaray sida ay ku waramayaan Shacabka Magaaladaasi.
Ciidamada Kenya ayaana Duqeymaha ay u geestaan Goobaha Al-Shabaab kataliyaan waxa ay inta badan waxyeelo gaarsiiyaan dadka Shacabka ah, iyadoona dhawaan Duqeyn ka dhacday Magaalada Kismaayo ay ku dhinteen labo Caruur ah iyo Hooyo Uur laheed.




