afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:55 am | Posted by

Shiikh Umal:Diinta Islaamku ma Qabto In Tacsi loo Diro Qof Gaal Ah OO Somaliya Dhibato Kuhaya Sida Males Zanawi

Qudbadii saalada jimcaha maanta ayuu shiikh maxamed cabdi umal kusoo qaatay geeridii ra’iisalwaarihii ethopia iyo muslimiintii tacsida u dirtay waxay diinta islaamku ka qabto.

Tan iyo Todobaadkan markii uu geeriyooday Males Zanawi ayaa hogaamiyayaal muslimiim ah ayaa tacsi u diray kuna tilmamay halyeey ka baxay geeska afika iyo qaaradaba.

Dadkaas tacsida diraya waxaa ka mid ahaa Mas’uuliyiinta dawlada somalia,Maamulka Puntland,Somaliland,Iyo Madaxweynaha Dawlada deegaanka Somalida,Iyagoo Si Isku Mid ah Uga tacsiyadeeyey Geeridaas Ku Timid Zanawi Kuna Tilmaameen Geeri Naxdin leh.

Hadadba Qudbadii salaada Jimcaha Ee Maanta ayaa Khadiibka masjidka abubakar sadiiq Ee xaafada islii ee Soomalidu Ku badan tahay ee xarunta Kenya Shiikh maxamed cabdi Umal Kana Mid Wadaadada ugu Waaweyn Culimada Soomaaliyeed Uguna caansan Uu Sheegay Inay Xaaraan tahay In tacsi Loo Diro Gaal Dhibaateeyey Muslimiin fara badan oo ku nool Ethopia iyo Somaliya Kuna soo qaatay mashruuc uu Reer galbeed Uga gaday Inay yihiin argagixiso Gumaadayna Muslimiin badan.

Shiikh Umal ayaa Sheegay inaysan Diinta Islaamku qabin In Nin kaasoo kale geeridiisa laga muujiyo dareen naxdin ayna haboon tahay in mas’uuliyiintaasu Ilaahay u toobad keenaan.

Shiikh umal ayaa Sheegay inaan la hilmaami karin Dilkii, qaxii Iyo dhibaatadii Uu Ka Gaystay Gudaha Dalka Soomaliya Oo Ay Ciidamadiisu Ku Gumaadeen Muslimiin far badan waxa Uu shiikhu Xusay Inuu san Doonayn Inay Somaliya Degto Uuna Taageero U fidin jiray dagaal oogayaashii somalia.

Shiikh Umal ayaa sidoo kale Digniin u Diray Waraaqo maalmahan lagu qaybinayey xaafada islii iyo masaajida Hortooda laguna sheegayey In Culimo soomaaliyeed Oo caan ah ay tacsi U direen Males Zanawi.

Shiikh umal ayaa arrinkaas aad Uga dhiirigeliyey Muslimiinta kuna sheegay arrin layskaga horkeenayo Culimada iyo Shacabka lana doonayao in diinta lagu dhibaateeyo ayna ka mid tahay fikradihii khawaarijta.

Shiikha ayaa sheegay in dadka arrinkaas samaynayaa uu ka muuqdo Sunnihii Oo ay gadhka la baxeen Sitaan khamiisyo Doonayaan inay dadka fikrado diinta kasoo horjeeda ka dhaadhiciyaan ayna haboon tahay in laga hortago.

Abdullahi Qalinle Hussein
Nairobi/kenya
Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM