afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:22 pm | Posted by

TopNews:Shariif Xasan oo hadana mar kale ergo usoo diray Pro. Jawaari

Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa markii labaad ergo usoo diray Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari oo isna u taagan xilka guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Ergada uu soo diray xildhibaan Shariif Xasan ayaa gaaraysay ilaa iyo 8 xildhibaan kuwaasoo isku daygoodu ahaa inay ka dhaadhiciyaan Prof. Jawaari inuu ka tanaasulo damaciisa ku aadan xilka guddoonka baarlamaanka balse xildhibaanadii ka socday Shariif Xasan ayaa wejigabax lasoo kulmay kadib markii ayba ku adkaatay inay la kulmaan Prof. Jawaari oo ay mudo ku qaadatay aragtidiisa isaga oona u sheegay inay faraha kala baxaan hawlaha aya ku jiraan oo ay codadkoodana kusoo biiriyaan taageerada loo hayo isaga.

Xildhibaanada ka socday xildhibaan Shariif Xasan ayaa waxaa kamid ahaa.
Ibraahim Isaaq Yarow
Shriif Yacquub
Cabdulaahi Cabdi Garuun.

iyo ilaa iyo shan xildhibaan oo kale oo aanan helin magacyadooda ayada oo sidoo kalena xildhibaanada lagu magacaabo Maryan Macallin Isaaq si khalad ah horay ay ugusoo kaxeeyeen xildhibaanada kale ayaga oo u sheegay inay arin kale u socdaan balse markii guriga Jawaari la yimid ay fajaciso ku noqotay ayada oo sheegtay inaysan waxna kala socon arinka loo socday balse lasoo khalday.

Xildhibaan Shariif Xasan ayaa dhawaanahaanba isku dayayay inuu ka dhaadhiciyo Prof. Jawaari inuu ka haro doonistiisan ku aadan xilka gudoomiyanimada baarlamaanka balse taas waxaa had u jeer ku gacan seyrayay prof. Jawaari oo ah hada musharax u taagan xilka gudoomiyanimada baarlamaanka.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM