afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:59 am | Posted by

Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo u jiheystay Magaalada Kismaayo iyo cabsi Maanta ka taagan

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xiisad ay ka taagan tahay magaalada, kadib markii Ciidamada huwanta ay u ruuqaansadeen saacadihii u dambeeyay.

Sida ay sheegayaan wararka dadka ku nool magaalada ayaa bilaabay inay isaga barakacaan, markii dhaq dhaqaaq ciidan uu ka bilowday duleedka magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada is garabsanaya ee Kenya, kuwa dowladda iyo Raaskambooni ay dhowr jiho uga baxeen Kismaayo.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay inay qorshaha dagaal uu yahay kii ugu dambeeyay ee ay ku qabsanayaan magaalada Kismaayo, si ay uga saaraan Xarakada Al-Shabaab.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa dhaq dhaqaaq ciidan oo ku wajahan sidii ay isaga difaaci lahaayeen duulaanka ku soo wajahan ka wada magaalada, iyadoo dhaq dhaqaaqa uu ahaa mid xalay si aad ah loo dareemay.

Todobaadyadii u dambeeyay ayaa waxaa ka taagnaa magaalada cabsi la xiriirtay duqeymo ay geysanayeen maraakiibta dagaalka ee ay leeyihiin Ciidamada Kenya, iyo diyaarado dagaal dul heehaabayay.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM