DAAWO+VIDOE:Bandhig Faneed: Waayaha Cusub iyo olalahooda nabada
Galabti maantey ayaa qeyb ka mid ah kooxda Waayaha Cusub ee bandhig faneedkoodi labaad ka qabteen wadanka Mareykanka.
Agaasimaha ahna assaasaha kooxdaas Shiine Akhiyaar ayaa maalmahan u joogey wadanka Mareykan socdaal uu ku qabanaayey bandhig faneedyo oo uu ku taageerayo nabad ka hirgasha Somalia iyo baraarujin dhalinyarada Somaliyeed.Shiine oo bishaan bilowgeedi kasoo dagey Minneapolis halkooso xaflad aad u qiimo badan lagu soo dhaweeyey oo uuna kula kulmey xubno ka tirsan Waayaha Cusub. Kadib asagoo weheliyaan Hodan, Abass Hiirad, iyo Dalmar Yare ee xaflad ku qabteen New York. Socdaalkan aya la sheegaya ineey maal galiyeen dowlada Mareykanka waliba Safarada USA ee Kenya.
Xafladi Galabta ayaa masraxa qabsadey Shiine, Hodan Abdirihman, Dalmar Yare iyo Abas Hiirad. Halkaasoo heesihi eey ku caan baxeen waayaha cusub iyo kuwo kale ugu raaxeeyeen shacabki kasoo qeyb galey bandhigaas