Magacyada Musharaxiinta Gudoomiyaha barlamaanka iyo kuxigeenadiisa “Akhriso”
Xili maalinta talaada ah lagu balansan yahay in ay dhacdo doorashada Guud ee barlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa la shaaciyay tirada Xildhibaanada usharaxan Gudooomiyaha barlamaanka iyo kuxigeenadiisa.
Gudiga doorashada ayaa sheegay in lix musharax ay utaagan yihiin qabashada xilka Gudoomiyaha barlamaanka.
Lixdaas Musharax oo beelo kala duwan kasoo jeeda ayaa ugu cad cad in ay noqdaan kuwa ku loolamay kursiga gudoomiyaha barlamaanka
Musharaxiintaas ayaaa kala ah:
1)Prof. Cali Khaliif Galeyr
2)Prof. Maxamed Cismaan (Jawaari)
3)Prof. C/risaaq Cismaan Xasan (Jurile).
4)Xasan Abshir Faarax
5)Cabdi Xaashi C/laahi iyo
6)C/rashiid Maxamed Xidig.
Sidoo kale Waxaa jira Musharaxiin utaagan xilka Gudoomiye kuxigeenka barlamaanka Soomaaliya.
Ku dhawaad 9 Musharax ayaa la sheegay in ay xilkaas doonayaan waxaana ku jira rag caan ka ah Soomaalia.
Musharaxiintaas waxaa kamid ah Pro Dalxa iyo Muudey oo ahaa kuxigeenkii Shariif Xasan
1)Cawli Ibaarhin Muudey
2)C/dalla Boos Axmed
3)Maxad Cali Xagaa
4) Tahliil Cabdi Maxamed
5)Bashiir Maxamed Jaamac
6) Siciid Maxamed Cali
7)Prof. Maxamed Cumar Dalxa
8) Jeylaani Nuur Iikar
9) Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Sidoo kale Waxaa Musharaxiinta Gudoomiye kuxigeenka labaad ee barlamaanka ay gaarayaan ilaa iyo 3 mudane
Xildhibaanada Sharaxan ayaa waxaa kamid ah
1)Cismaan Cilmi Boqorre
2)Mahdi C/dulle Cawad iyo
3) Siciid Maxamed Cali.
asc beentu muslimiinta waa ka xaaraan markasta iyo meelkastaba gaalo iyo gaal kalkaal ayaa kismaanyo udhow inaad war ka dhigtaan idinkoo ka soo jeeda dhashii daraawiisheed waa ceeb qoladiina dhulbahante meelaad usocotaan garanmaayo qolyihii kalaadba ka darteen khaafuu rabakum