WAR CULUS:- Mahiga oo qarashaadkii uu Soomaliya ka qaatay ku gali doona doorashada madaxweynaha Tanzania.
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa la sheegayaa in markaan qarashaadkii badnaa ee uu ka helay Soomaaliya uu doonaayo inuu ku geliyo ololaha doorashada madaxtinimada dalka Tanzania oo uu doonaayo inuu tago marka xilkaan laga qaado, isagoona rajo ka qaba in madaxweyne uu dalkaasi ka noqdo.
Mahiga ayaa la tilmaamay in malaayiin lacag oo doolarka Mareekanka ah uu ka helay Soomaaliya intii uu haayay xilkaan, waxaana la sheegayaa in markaan uu heeysto lacag badan oo ku filan si uu u noqdo madaxweynaha dalka Tanzania.
Ilo muhiim ah oo ka shaqeeya xafiiska UNPOS ayaa inoo sheegay in Mahiga maalmahaan oo dhan uu waday qorshooyin uu ku doonaayo inuu isugu soo sharaxo xilka madaxweynaha dalka Tanzania, in kastoo waqtiga rasmiga ah aanay cadeen.
Dhanka kale waxaa jirta in Mahiga lagu tuhmaayo malaayiin doolar oo Qaramada Midoobay ugu tala gashay in wax looga qabto xaaladda dalka Soomaaliya, hase ahaatee uu isaga si gaar ahaaneed jeebka ugu shubtay.
Si kastaba ha ahaatee, maalmahaan dambe waxaa soo badanaayay wararka hoose ee sheegaaya in Mahiga markaan ay ka go’an tahay sidii uu dib ugu laaban lahaa dalkiisa maadaama waqtigiisa uu u dhamaaday, isagoona doonaaya inuu noqdo madaxweynaha dalka uu u dhashay ee Tanzania.
Xafiiska Warbaahinta Afbakayle.com ee Magaalada Muqdisho.
Afbakaylenews@gmail.com