afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:18 am | Posted by

Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo saaka ku dhaw magaalada Kismaayo iyo xaaladda Deegaankaas Oo kacsan

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aynu ka helayno gobalka J/hoose, waxay sheegayaan in ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya oo garab ka helaaya kuwa Kenya ay kaabiga ku haayaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose, iyadoona xaaladda saaka ay tahay mid aad u kacsan.

Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo markaan u muuqda inay ka go’an tahay inay la wareegaan degmada Kismaayo ayaa shalay ilaa iyo xalay waxay ku sii socdeen magaaladaasi, iyadoona dhanka kale Alshabaab ay bilaabeen diyaar garoow aan caadi ahayn.
Qaar ka mid ah saraakiisha dowladda KMG ee Soomaaliya oo aynu qadka taleefanka kula xiriirnay waxay inoo sheegeen inay gacanta ku dhigeen deegaano badan oo hoostaga Kismaayo islamarkaana saacadaha soo aadan ay gacanta ku dhigi doonaan
magaaladaasi.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa markaan waxay diyaarinaayaan dagaal culus oo ay kaga hortagaan weerarkaan dhankooda ku wajahan, waxaana ay yihiin kuwo isku dayaaya inay la dagaalamaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ee Kismaayo usoo socda.

Xaaladda Magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda waa mid aad u kacsan, waxaana qof waliba ay tahay mid wadnaha farta ku haysa, iyagoona ka baqanaaya in dushooda lagu dul dagaalamo, in kastoo shacabka ay badi halkaasi isaga kala carareen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Xafiiska Warbaahinta Afbakayle.com ee Magaalada Muqdisho.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

2 Comments for “Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo saaka ku dhaw magaalada Kismaayo iyo xaaladda Deegaankaas Oo kacsan”

  1. TALAABO DHEEREE
    August 26, 2012 - 9:29 am

    balwayynu eegi ilaa goormaa la lahaa kismaayaa laqabanayaa

    Reply
  2. mohamed haji
    August 26, 2012 - 5:14 pm

    ilaahay waxan ka baryaynaa in isbahaysatata meel udalooliyo
    aanay weligood ka soo waaqsan
    maxay kismaanyo yimadaan hadana waxay soo qorayaan husingow baa la isku haystaa aar dadka meenta ka daayaa

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM