afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:34 pm | Posted by

DAAWO+SAWIRRO:Munaasibad Shahaadooyin Lagu Gudoonsiinayey Arday Ka Qalin Jabisay Machadka Diiniga Ah Ee Umu Salama Oo Buuhoodle Ka Dhacday

Munaasibadan oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayey arday ka qalin jabisay Machadka diiniga ah ee Umu Salama Buuhoodle ayaa maanta ka dhacday xarunta Machadka Umu Salama ee Magaalada Buuhoodle, iyadoona munaasibadaasi ay kasoo qayb galeen Waxgarad, Culuma Awdiin, Dhalinyaro, Haween, iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.

Munaasibadan oo ahayd mid balaadhan ayaa waxa ugu horeynba ka hadlay Maamulaha  Machadka diiniga ah ee Umu Salama Cali Xaaji Cabdale, isagoona ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Machadka Umu Salama iyo waliba halka uu marayo haatan. Maamulaha Machadka Diiniga ee Umu Salama ayaa sidoo kale xusay in haatan ay jiraan hawlo badan oo ka dhiman Machadka kuwaas oo loo baahan yahay in si wacan loo dhamaystiro, waxa uuna ugu baaqay Maamuluhu in walaalaha muslimiinta ah iyo bulsha weynta ku dhaqan Gobolka Caynba in ay ka qayb qaataan dhamaystirka Machadkani oo isagu haatan qaybo kamid ahi ay qabyo yihiin.

Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay Marti sharaf ay kamid yihiin Maamulaha Machadka Diiniga ah ee Alfurqaan Buuhoodle C/shaafi Axmed, Ciise Garaad Soofe, Sheekh Mukhtaar Axmed Xaaji Faarax, iyo marti sharaf kale oo dhamaantood magac iyo maamuus ku leh bulsha weynta Reer Cayn, iyagoona dhamaantood ku qoto dheeraaday  muhiimada ay leedahay in la dhiiri galiyo dadka baranaya culuumta shareecada islaamka  maadaama barashada shareecadu ay tahay mid ku waajib ah dhamaanba umadda muslimiinta ah.

Hadaba intii ay socotay munaasibadani ayaa waxaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey dhamaanba ardaydii ka qalin jabisay Machadka Umu Salama, sidoo kalena waxaa isla munaasibadaasi abaalmarino kala duwan lagu gudoonsiiyey ardaydii gashay kaalmaha koowaad, Labaad, Iyo Saddexaad.

Si kastaba ha ahaatee munaasibadani ayaa kusoo dhamaatay jawi dagan, iyagoona dhamaanba dadkii kasoo qayb galay ay wajiyadooda farxad aad u balaadhani ay ka muuqatay.

 

Halkan Ka Daawo Sawiro.

Wariye Abdirahman Wadani

Buuhoodle

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM