War Deg Deg Ah Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada KMG kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab oo hada kasocda Deegaanka Hsingow
Waxaa goordhaw Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada KMG ,kuwa Raaskanbooni iyo Ciidamada Kenya oo qeyb ka ah AMISOM uu hada kasoconayaa Deegaanka Hosingow ee Gobolka Jubada Hoose.
Dagaalka oo ah mid socda xiligan qaatayna saacado ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ee weerareen Deegaankaasi oo fariisin u ah Ciidamada iskaashanaya ee Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya.
Labada Dhinac ayaana isdhaafsanaya Hub Culus ,waxaana lagu soo waramayaa in dagaalka uu wali yahay mid xoogan labada dhinacna Qasaarooyin xoogan gaarsiiyay.
Lama ogaan karo Qasaaraha ka dhashay dagaalkan hada Socda mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada Dagaalamaya ee Shabaab iyo Ciidamada Huwanta ah.
Dagaalka ayaa kusoo aadaya xili Gobolka Jubada Hoose ay kajiraan dhaq dhaqaaqyadii ciidan ee ugu xooganaa ,Ciidamada Huwanta ah ayaana u dhaqaaqay Dhinaca Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.