afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:55 am | Posted by

WARBIXIN:- Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed maxaa ka hortaagan in si isku mid ah ay u baahiyaan Ololaha doorashooyinka dalka.

Maalmahaan dambe magaalada Muqdisho waxaa ka jirta hadal heen iyo dhaleeceen loo jeedinaayo warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed taa oo kaga aadan ololaha doorashooyinka dalka haatan ka soconaaya.
Waxaa la sheegayaa in warbahintaasi ay markaan si gaar ah ula safatay oo kaliya mid ka mid ah musharaxiinta u taagan inay qabtaan xilka madaxtinimada Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dhawaan waxaa is soo sharaxay musharaxiin aad u badan hase ahaatee xilligaasi waxaa Idaacadda iyo TVga Qaranka uu ahaa mid aan laga baahin iyadoona xilligii madaxweynaha uu is soo sharaxaayay si toos ah loo baahinaayay.
Qaar ka mid ah siyaasiinta Soomaaliyeed waxay sheegeen in markaan warbaahinta Qaranka ay isku bedashay mid si gaar ah loo leeyahay, taa oo ka dhigan in aan laga baahin cid aan ahayn madaxweynaha.
Dhanka kale maalmahaan Warbaahinta Qaranka waxay bilaabeen inay baahiyaan ololaha doorashada Gudoomiyaha ee baarlamaanka, hase yeeshee su’aasha ayaa ah maxaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ka heesta inay baahiso musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynah

Fu,aad Karaama Jama

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM