Idaacadihii Xarakada Al-Shabaab ee Al-Andulus iyo Al-Furqaan oo hawada ka baxay qalabkoodiina lala qaxay
Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in maanta hawada kamaqanyihiin Idaacadihii ku hadli jiray Afka Xarakada Al-Shabaab ee Al-Andulus iyo Al-Furqaan.
Labadan Idaacad ayaa ahaa kuwa taageersanaa Al-Shabaab kuna hadli jiray afkooda ,waxaana lagu soo waramayaa in maanta dansanyihiin Qalabkoodiina laga raray Magaalada Marka loona qaaday dhinaca Buulo Mareer iyo Baraawe.
Shabaabka kusugan Gobolka Sh/Hoose ayaa markaan waxaa soo wajahaya xaalad culees ah kadib markii weeraro culus ay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ku qaadeen Deegaano iyo Degmooyin katirsan Gobolkaasi ay shabaab maamulayeen.
Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa hada kaabiga kuhaya Magaalada Marka ee Xarunta Sh/Hoose oo laga yaabo in saacadaha soo aadan kala wareegaan AL-Shabaab oo sanado badan gacanta ku heysay.
Idacadaha Al-Andulus iyo Al-Furqaan ayaa markii hore xarumahooda waxa ay ku yaaleen Magaalada Muqdisho ,hasa ahatee waxa ay u barakaceen dhinaca Ceelasha kadib markii Shabaab Magaalada kabaxeen ,iyagoona ugu dambeyn hada xarun u aheed Magaalada Marka oo Maanta markale qalabkoodii laga raray.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com