Kantaroolada Laascaanood oo isu bedelay Isbaaro lagu baadho Dadka Musaafarka ah?
kantaroolka Bariga Magaalada Laascaanood ayaa Mudooyinkan danbe isu rogay Isbaarooyinkii ay caanka ku ahayd Koonfurta Soomaaliya Xiliyadii Colaaduhu ka jireen Soomaaliya.
Habeenimadii xalay ayaa barta Kaantaroolka ee Bariga Magaalada Laascaanood lagula Degey Saddex Dhalinyaro ah oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya kuwaasi oo la socday Baabuur Nooca Market 2 loo yaqaano oo ka soo kicitimay Magaalada Boosaaso sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Darawalkii Gaadhigaasi watay.
Lama oga sababta rasmiga ah ee Diirada loogu saarayo dadka Soomaalida ah ee ka soo safra Koonfurta Soomaaliya waxase loo malaynayaa inay la xidhiidhi hadalo maalmahan kasoo baxayay Masuuliyiinta Maamulka labaxay Somaliland oo ay ku sheegayeen in dadka Koonfurta Soomaaliya kasoo jeeda laga Saari doono Deegaanada waqooyiga Soomaaliya (Somaliland).
Dhanka kalena dhalinta ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee Ganacsiga ku haysta Magaalada Laascaanood ayaa diyaar garow ugu jira sidii ay uga Guuri lahaayeen Magaalada Laascaanood kadib markii sida la Sheegay kuwa isku magcaaba Gudiga Nabadgelyada Gobolka Sool ay ku amreen inay Mudo 20 Maalmood gudahod ay kaga guuraan Laascaanood.
Waxgaradka Ku dhaqan Magaalada Laascaanood ayaa iyaguna Dadaal ugu jira sidii ay hawshaasi uga jortegi lahaayeen iyaga oo u arka in Dadka kasoo barakacay Koonfurta Soomaaliya aysan Marti uga ahayn Somaliland inay ku noolaadaan kana Ganacsadaan Magaalada Laascaanood.
F
Ummad martida,maganta,xididka lagu dhex bahdilo waa ummad aan tayiiso,karaamo iyo sharaf lahayn.
Dhulbahante wuxu noqday ummad dulinimo dan mooday .
Waxayna in badanoo kamid ahi ku caan baxeen Iimaan La’aan Kalsooni La’aan & Is nacayb dhexdooda ah waana tan maanta ay ugaleen Nolol Mugdi ah balse nasib daro qaar kamid ah ayaaba Mugdiga uyaqaana Iftiin waxayna ku qanacsan yihiin noloshan hada ay ku nool yihiin YAAAB!!!
Dadka koonfurtu waxay kucaanbaxeen Shuftanimo,;Argagixisnimo iyo wax qarxin in nabadgelyada la adkeeyana cid walba danbaa ugu jirta oo layska qabto cidkasta oo laga shakiyo… markaa waanu taageersanahay hawshan ee waxkale mahaysaan…
waa arin naxdin leh oo laga naxo tacadiga la gu hayo masaakinta gobolka sool
Run ahanti umada dhulhante mahan umad cadaysatay dulmiga iyo dhibatada lkn melkasta waxa joga cadaqate jecel inu dalkisa gato kaladilana umada walalaha ah ewada dhashay adbana uga xunahay umada somalida ah elagula kacayo arimaha xaqdarada ah mana tagersanin dhaman bulshada dagan las anod ilaa mid imanka laga qaday moye intana wanku hawlan nahay sidan uga celin lahayn cadawga rer waqoyi walalahayo