Somali Relief and Development Organisation Ka qayb qaado taakulaynta Agoonka Ceergaabo (daawo vedio)
Islaamku agoonka aad buu arintiisa u wayneeyey dadka muslimiinta ahna wuxuu ku booriyey siddii loo kafaala qaadan lahaa, loo xanaanayn lahaa loogana shaqayn lahaa tarbiyadooda.
Agoonka oo madaxa loo salaaxo waxaa laga helaa qalbiga oo ku jilca, tinkasta oo timihiisa ka mid ahna gacantaaduna taabato waxaad ka helaysaa ajar.Saxaabaduno waxay ahaayeen kuwo agoonta aad u ilaaliya kuna dadaala in aanay dareemin dhimashada aabahood una arkaan in dadka muslimiinta ahi u buuxin karaan booskii aabahood.
Nebiguna (NNKH) wuxuu Xadiith saxeex ah inoogu sheegay in qofkii agoon kafaala qaata Janada wadaay ( wehel) kula noqonayo Rasuulka, isku meelna kaga wada noolaayaan Janada.Haddaba walaalayaal si aan khayrkaas uga faa’iidaysano: Ururka Somali Relief and Development Organisation wuxuu isu taagay siddii uu wax uga qaba lahaa agoonta,waxaa loo bahan yahay sidii aan khayrkaas isaga kaashan lahayn ,ururkuna wuxuu wax ku qaban karaa hadba inta aad caawisaan. Qofkasta oo ka shaqeeya caawimada walaakiis Ilaahay baa balan qaaday inuu ilaalinaayo dantiisa.
Gobolka Sanaag waxaa ku nool boqolaal agoona oo u dhashay gobolada SSC. Agoontaasi waxay u baahan tahay dad kafaala qaata una dhisa xarun ay ku noolaadaan waxna ku bartaan. Ilaa iyo hadda waxaan helay 30 qof oo kafaala qaatay soddon agoon. Konton dolar waxay agoonka ugu filan tahay Cuntadiisa,dharkiisa, waxbarashadiisa iyo caafimaadkiisa.
www//afbakayle.com a.xarago









