TopNews:Maxaad kala socotaa khilaafka xoogan ee soo kala dhex galay saxiixayaasha Road Map-ka.
Waxaa soo ifbaxaaya khilaaf culus oo markaan soo kala dhex galay mas’uuliyiniinta Lixda ah ee loo yaqaano saxiixayaasha Road Mapka, ka dib markii ay laba garab
u kala jabeen. Saxiixayaasha ayaa la sheegay in ay u kala qeyb sameen seddax Mas’uul ee dowladda dhici rabta madaxda ka ah iyo sidoo kale maamulka Gal-mudug, Puntland iyo Ahlu-sunna Waljameeca, waxaana xaaladooda ay tahay mid jahwareer ah.
Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in dhinacyadaan ay isku khilaafeen arinta ku saabsan maxkamadeenta gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka Soomaaliya, waxaana seddaxda ,mas’uul ay qabaan arinta ah in maxkamada ay tagaan gudiga farsamada halka dhinacyadaan kalena ay kasoo horjeedaan.
Khilaafkaan markii uu durba soo ifbaxay waxaa Mahiga uu bilaabay in dhex dhexaadin uu bilaabo, laakiin Faroole oo Puntland jooga ayaa sheegay in marnaba aanu dooneen inuu Muqdisho yimaado.
Saxiixayaashaan Road Map-ka ayaa ah kuwo habeen iyo maalin u taagan in ay ku doodaan oo kaliya waxyabo aan micno badan ku dhisneen, iyagoona horay khilaafaad badan uu u dhex maray.