WAR CULUS:- Shariif Xasan Sheekh Aadan oo wal wal kii ugu darnaa haayo iyadoona Hanjabaad uu u jeediyay Prof, Jawaari.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu soo waramaayaa in xilligaan uu haayo wal wal aan caadi ahayn, iyadoona dhanka kale uu qadka taleefanka uga hanjbay Prof Jawaaro oo u taagan xilka gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Shariif Xasan ayaa ka baqanaaya doorashada gudoomiyaha baarlamaanka oo la filaayo inay dhacdo maalinta beri ah inuu ku guuleesto Jawaari, waxaana hadii uu ku guuleesto xilkaasi Mr Jawaari la sheegay in Shariif Xasan uu daaqada ka baxay, iyadoona Shariif Xasan uu isku dayaayo in Jawaari uu meesha ka baxo.
Warar aynu si hoose u helnay ayaa waxay sheegayaan in Shariif Xasan uu taleefan ka wacay Jawaari isagoona u goodiyay hadii aanu ka laaban doorashada, laakiin Jawaari oo garab fiican ka helaaya Madaxweyne Shariif ayaa la sheegay in uu wax walba madaxweynaha u sheegay, iyadoona durba Jawaari la siiyay 3 gaari dagaal oo ay saaranyihiin ciidamo aad u badan.
Dadka siyaasadda ku xeel dheer ayaa waxay saadaalinaayaan in Jawaari uu ku guuleesan doono xilka gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, maadaama uu ahay musharaxa xilligaan ugu cad xilkaasi, waxaana midaasi ay niyad jab ku tahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ninkaan ay isku beel yihiin.
Si kastaba ha ahaatee shacabka Soomaaliyeed ayaa ah kuwo wada dhowraaya maalinta beri ah oo la filaayo inay dhacdo doorashada gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona maalinta xigta sida uu qorshaha yahay la dooran doono gudoomiye ku xigeenada baarlamaanka Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com
