WAR DEG DEG AH:- Ciidamada Al-shababa oo badi faarujiyay magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh/hoose.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Xarakada Al-shabaab ay badi iska faarujiyeen magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh/hoose, xilli halkaasi ay ku wajahanyihiin ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Ciidamada Al-shabaab oo saaka isugu tagay magaalada Marka ayaa hadana wararka qaar waxay sheegayaan in ciidamada Al-shabaab ee kasoo kala cararay deegaanadii ay saaka la wareegeen ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay haatan halkaasi isaga sii kala carareen, iyagoona afka aadiyay deegaano kale oo Marka Hoostaga.
Dad ku dhaqan magaalada Marka ayaa waxay inoo sheegayaan in magaalada ay tahay mid cidlo ah, in kastoo meelaha qaar lagu arkaayo askar aan badneen oo Al-shabaab ah, kuwaa oo iyaga xitaa u diyaarsan inay ka cararaan magaalada Marka ee Xarunta gobalka Sh/hoose.
Si kastaba ha ahaatee dadka ku dhaqan magaalada Marka ayaa la sheegayaa inay wadnaha farta ku haayaan waxaana ay ka baqanaayaan duulaanadaan dhankooda ah ee kusoo wajahan, iyadoona ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay magaaladaasi ku wajahanyihiin.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.