afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
1:01 pm | Posted by

War Deg Deg Ah Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo si Buuxda Goordhaw ula wareegay Marka iyo AMISOM oo ka hadashay

Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa goordhaw waxa ay la wareegeen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose kadib duulaan ay maanta ku qaadeen.

Ciidamadan ayaana goordhaw galay Xarunta Sh/Hoose ee Marka waxaana lagu soo waramayaa in ay hada isku fidinayaan Magaaladaasi ayna galeen Xarumo dhoor ayh ay Al-Shabaab ku lahaayeen Magaaladaasi.

Dad goob joogayaal ah ayaa ku waramay in Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM la wareegeen Magaalada Marka kadib markii Al-Shabaab maanta faraujiyeen Degmadaasi.

AFhayeenka Ciidamada AMISOM Corneel Aadan Xaamud ayaa sheegay in si buuxda ula wareegeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Magaalada Marka goordhawna ay faah faahin dheeraad ah ka bixin doonaan.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa hada isku fidinaya Magaalada Marka iyadoona taageerayaashii AL-Shabaab iyo ciidamadooda intooda badneed magaalada ka baxeen ayna aadeen Dhinaca Buulo Mareer iyo Baraawe.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM