afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:23 pm | Posted by

War Dag Dag Ah Xubno Gaadhaya 80 Oo Codeeyay, & Wareega Koobaad Habka Loogu Kala Hadhayo

Waxaa wali si toos ah usoconaysa Doorashada Gudoomiyaha barlamaanka iyadoona ilaa iyo haatan ay codeeyeen xubno muhiim ah oo barlamaanka ku jira.
Xildhibaanada ayaa si qarsoodi ah ucodeynaya waxaana ilaa iyo haatan codeysay ilaa 80 Mudane oo katirsan barlanaanka Cusub.

Doorashada Afhayeenka barlamaanka ayaa ayaa ilaa iyo haatan waxaa codeeyay ku dhawaad 80 Mudane.

Dadka codeeyay waxaa kamid ah C.Wali Gaas Ra’isul Wasaarhihii hore ee Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil

Dadka ayaa loogu kala yeerayaa sida magacyadooda ay ugu kala horeeyaan Alpha Pet-ka ama xarfaha.

Ilaa Shan Musharax ayaa utaagan xilka Gudoomiyaha baralamaanka kuwaas oo kala ah:.
1- Maxamed Cismaan Jawaari

2- Cali Khaliif Galeyr

3- C/rashiid Xiddig

4- Cabdi Xaashi C/laahi

5- Xasan abshir Faarax

Gudiga Doorashada Afhayeenka barlamaanka iyo kuxigeenadiisa ayaa dhacaysa xili siyaasada ay aad u adag tahay.

Waxaa natiijada wareega koowaad ku guuleysan kara musharaxa hela 139 cod, haddiise la waayo waxaa loo gudbi doonaa wareega 2aad ee doorashada.

War hada Soo Dhacay ayaa Sheegaya In lasoo Afmeeray Wareegii koobaad ee Doorashada Gudoomka Baarlamaanka.
Waxaana Hada bilaabatay tirintii Codadka dadka Codeeyay iyadoo lasheegayo In lafilayo inay isugu soo baxaan Musharax  Jawaari & Cali Khaliif.
Dareenka Shacabwaynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa Maanta Aad ufiican maadaama bur bur badan kadib doorashadu kasocota Gudaha dalka.
Wixii kusoo Kordha isha kuhay afbakayle.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM