War Deg Deg Ah Cali Khaliif Galeyr oo ka tanaasulay Doorashada iyo Prof Jawaari oo Noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka
Waxaa goordhaw shaaciyay in uu tanaasulay Prof Cali Khaliif Galeyr oo isagu kusoo haray Wareega labaad waxa uuna sheegay in uu go’aansaday in uu tanaasulo uuna u hambalyeeyo Gudoomiyaha Cusub Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Prof Cali Khaliif Galeyr ayaana sheegay in uu jecleestay in uusan waqtiga sii lumin uuna u tanaasulo Saaxiibkiis Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Waxaana hada si rasmi ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya u noqday Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari halkaasna loogu soo dhaweeyay farxad iyo sacab fara badan.
Gudoomiyaha KMG ee Baarlamaanka ayaana sheegay in uu ku guuleestay Prof Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxii xiligan ka dambeeyana uu yahay Gudoomiyaha Rasmiga ee Baarlamanaka Soomaaliya.
Prof Jawarai oo isna goordhaw hadlay ayaa aad ugu hambalyeeyay Musharixiintii kale ee la tartamay gara ahaan Cali Khaliif Galeyr ,waxa uuan Gudoomiyaha KMG Ka codsaday in Shaqada ay sii wadaan gara ahaan doorashada labada Gudoomiye ku xigeen.
NIN BASAAS U AHAAN JIREY DAWLAD WEYN OO LOO DOORTAY GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA SOOMAALIA. WAXA UU SOO QABAN QAABIYEY DISTOORKA CUSUB ISAGO KA DHEEHDEY INTA BADAN DISTOORKA SOOMAALILAAND. WAXA 30000000. MILLION OO DOLLAR KA QAATEY UNITED NATIONS LACAGTAAS UU LA QAYBSADEY CABDIRAXMAAN FAROOLE!!!! LACAGTAAS AYUU DOORASHADDA KU GALEY. JAWWARI WAA NIN MUNAAFAQADA KU XEEL DHEER. CALI KHALIIF WAXAA KA HIILIYEY DAAROOD!!!!!!!!