afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:36 am | Posted by

War Deg Deg Ah ilaalada C/Wali Gaas iyo Shariif Xasan oo Xoog looga saaray Xarunta Baarlamaanka iyo Muran ka dhashay arintaasi

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa goordhaw Buuq daqiiqado kooban uu ka dhacay Hoolka Iskool Buluzio oo ah halka ay ku shirsanyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhaw lagu wado in lagu doorto Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Raizul Wadaarihii iyo Gudoomiyhii xilkooda dhamaaday ee Dowladii KMG Cabdi Wali Gaas iyo Shariif Xasan ayAa ilaaladooda gaarka ah lasoo galay hoolka uu Shirku kasocdo taa oo dhalisay buuq iyo qeylo.

Gudoonka Baarlamaanka KMG ayaana amar buuxa ku bixiyay in hoolka laga saaro ilalaada labadan Nin iyadoona markii lagu amray in la bixiyo uu arintaasi buuq ka keenay Cabdi Wali Gaas uuna la murmay Gudoonka Baarlamaanka.

Gudoomiyaha KMG ayaana sheegay in Amaanka goobtaaai ay tahay mid sugan ciidamo gaar ahna ilaalinayaan amaanka ayna xaq ulaheyn labadan masuul in ay gudaha la soo galaan ciidamo iyaga u gaar ah banaankana looga saaro xarunta ciidamadaasi.

Ciidamadii labada Nin ayaana laga saaray Xarunta ay hada Ku shirsanyihiin xildhibaanada wax dooranaya ,waxana hada goobta soo buuxiyay Xildhibaanada Baarlamanaka goordhaw ayaana lagu wadaa in ay Doorashada Bilaabato.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM