afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:11 am | Posted by

Wararkii ugu Dambeeyay Doorashada Gudoonka Baarlamaanka oo goordhaw Bilaabaneysa iyo Xaalada oo sidii hore ka badalan

Waxaa goordhaw lagu wadaa in Xarunta School Polizio ee Magaalada Muqdisho ka bilaabato Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo labadisiisa ku xigeen .

Waxaa xiligan Hoolka uu ka dhacayo Shirka lagu dooranayo Gudoonka Baarlamaanka ayaa xiligan waxaa kusii qul qulaya xildhibaanada Soomaaliya kuwaa oo maanta diyaar u ah in ay kala doortaan Musharixiinta isku soo taagay Xilka Gudoonka Baarlamaanka.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa u taagan 5-musharax, Guddoomiye kuxigeenka koowaad waxaa u taagan 11-musharax halka Guddoomiye kuxigeenka labaad ay u taagan yihiin afar musharax.

Amaanka Goobta ay ka dhaceyso Doorashada ee School Polizio ayaa waxa aaad u adkeeyay Ciidamada Booliiska AMISOM iyo kuwa Soomaaliya iyaga oo si aad ah u baaraya dadka soo galay Xaruntaasi si loo adkeeyo amaanka .

Magaalada Muqdisho ayaana saakay sidii hore ka badalan dadka ayaana isha ku haya aadna u hadal haya arimaha Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoona kala socda Raadiyaasha halka ay wax marayaan.

Dadka wax falanqeeya ayaa u badinaya in Gudoomiyaha koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu cad cadyihiin labo nin midkood in uu kusoo baxo gaar ahaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu gadaal ka riixayaan Sheekh Shariif iyo Cabdi Wali Gaas iyo Musharax Cali Khlaiif Galeyr oo isna taageero ka helaya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxii Warar ah ee arimahan Doorashada kusoo kordha Daqiiqad daqiiqad kala soco Afbakayle.com Insha Allah.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM