afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:34 pm | Posted by

Bayern Munich Oo Si Rasmi Ah U La Soo Wareegtay Xiddigii Kooxda Athletic Bilbao Javi Martinez.

Ciyaaryahankii khadka dhexe Javi Martinez ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay inuu maanta noqday ciyaaryahan Bayer Munich ah.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa galabnimadii maanta la bixiyay 40ka milyan euro ee lagu burburin karay qandaraaskiisa Athletic Bilbao, waxaana uu ugu biiray Bayern Munich heshiis rikoor ah isagoo saxiixay heshiis shan sanno ah.

“Aad ayaan u faraxsanahay, waxaana indhaha ku hayaa inaan u ciyaaro koox taariikh leh” ayuu Martinez u sheegay website-ka kooxda Bayern oo warkaan lagu xaqiijiyay.

“Waxa ay aheyd inaan waqti dheer sugo inay arintaan dhacdo, lakiin ugu danbeyn waa la soo gabagabeeyay.”

Karl-Heinz Rummenigge ayaa isna ka hadlay sidoo kale warkaan: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inuu Javi Martinez nagu soo biiro ugu danbeyn. Maalmihii u danbeeyay waxaan xalineynay arimo la xiriira canshuurta iyo sharciga. Nasiib wanaag waan ku guuleysanay.”

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Nairobi/Kenya

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM