afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:38 am | Posted by

Maamulka Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose oo ka warbixiyay weeraro ay sheegeen inay la eegteen ciidamada dowlada

Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobalka Shabeelaha Hoose Sheikh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa ka hadlay qabsashadii ciidamada Dowlada ee magaalada Marka ay ka qabsadeen ururka Al-Shabaab.

Waxa uu xusay inay soo socdeen muddo lix sano ah taasi oo sababtay in markii dambe ay la wareegeen Degmada Marka markii ay gaareena ay la kulmeen qasaaro badan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in magaalada Marka iyo halkii ay ciidamada dowlada duulaanka ka qaadeen inay isku jiraan 30 KM ,waxaana uu sheegay in dhowr bilood ay ku qaadato soo gaarista Magaalada Marka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in markii ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay gaareen Marka inay la kulmeen qaraxyo joogto ah oo u sheegay inay horay ugu sii aaseen magaalada Marka.

Dhanka kale Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose Abuu Cabdalla ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay ciidamada dowlada ka qaxi doonaan deegaanadii ay qabsadeen,waxaana uu ku micneeyay arintaasi inay sii wadi doonaan qaraxyada iyo weerarada ka dhanka ah AMISOM iyo ciidamada dowlada.

Al-Shabaab ayaa laga saaray Marka labo maalin ka hor ,waxaana Degmada ku sugan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM kuwaasi oo shalay Magaalada qarax lagula eegtay.

Xafiiska Shabakada afbakayle.com

Moqdisho/Somaliya

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM