Daawo Sawiro Naxtin Badan Ciidamada Dowlada oo toogtay Wiil Dhalinyaro ah oo Miino aasayay kadibna Caloosha u saaray Rumuudkii uu watay
Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxa ay ku toogteen Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu xaafad kamid ah Magaaladaasi ku aasayay miino.
Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan xaafadii uu Miinada ku aasayay Wiilkan ayaa ku wargaliyay Ciidamada Dowlada oo halkaasi deg deg kusoo gaaray noloshana ku qabtay wiilkaasi wallow markii dambe ay halkaasi ku toogteen.
Meydka Wiilkaasi oo ilaa xiligan yaala halkii lagu dilay ayaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Dowlada caloosha u saareen Miinadii uu watay iyo Rumuudkii uu doonayay in uu ku qarxiyo Miinadaasi waxyeelana uu ku geestyo.
Ciidamada ayaa sidoo kale Diiday in Wiilkaasi goobta laga qaado oo la aaso iyagoona ku hanjabay in Cid kasta oo isku daydaa in ay waxyeelo geestaan sidaa oo kale ay u gali doonaan.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com

