Daawo+Sawiro:-Xidiga kubbada Cagta dalka Spain iyo kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa laba cod oo qura kaga guuleystay Ronaldo iyo Messi.
Xidiga kubbada Cagta dalka Spain iyo kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa laba cod oo qura kaga guuleystay Ronaldo iyo Messi.
Wariyeyaasha ciyaaraha kubbada cagta ka faalooda oo laga soo uruurshay aduunka oo gaaraya ilaa 53, ayaa u codeeyey iyadoo Iniesta 19 cod uu helay halka
Ronaldo iyo Messi ay kala heleen min 17 cod.
Iniesta ayaa loo fiiriyey wuxuu u qabtay xulkiisa Spain maadaama uu u qaaday koobka Qaarada Yurub, iyo waliba kooxdiisa Barcelona.
Si kastaba ha ahaatee Andrés Iniesta ayaa helay markiisii ugu horeysay ciyaaryahanka ugu fiican qaarada Yurub.
Hadal kooban uu ka jeediyey ayuu ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay, halka Ronaldo iyo Messi ay ugu hambalyeeyeen guusha uu gaaray Andrés Iniesta.
Cadnaan Saalax Maxamed
Nairobi/Kenya
Afbakaylenews@gmail.com


