Real Madrid Oo Ku Guuleysatay Spanish Supercopa Ka Dib Markii Ay Garaaceen 10 Ciyaaryahan Oo Barca Ah.
Kooxda Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobka Spanish Super Cup marki ay xalay Barcelona uga adkaatay 2-1 ciyaar ka dhacday garoonka Bernabeu ee magaalada Madrid.
Barcelona ayaa is aragi hore oo ka dhacay gurigeeda waxay ku badisay 3-2, laakin guushi xalay ee Real ayaa ka dhigtay in ay koobka ku qaaday waxa loo yaqaano away goals oo ah dhaawaca goolasha badan ee garoonkaada lagaaga dhaliyo.
Real way iska boobsiiyey Barcelona si dhaqso ah ayeyna hogaanka ciyaarta ugu qabatay 2-0 qeybti koowaad ee ciyaarta, waxaa goolashaasi saxiixay Gonzalo Higuain iyo Cristiano Ronaldo firing in.
Barcelona waxaa kaarka casaanka ah laga siiyey Adriano oo qaldan ugu dul dhacay Ronaldo laakin waxay isku dayeen dadaalo badan iyaga oo gool qurux badan uu u saxiixay Messi kaasi oo ahaa laadka xorta ah.
Labada dhinac waxay qasaariyeen firsado muhiim ahaa ka hor inta aysan ciyaarta dhamaan.
Guuldarada Barca waxay ka dhigantahay in macalinka cusub ee Tito Vilanova uu waayey kooxki ugu horeeyey, waxa kaliyah ee uu ku eersheegan karo waa daafacyada oo uu ka liitay.
Shalaydi hore ayuu uga digay dhalinyaradiisa in Real ay tahay libaax dhaawacan wax walbana ka suurtoobaan xidigaha Jose Mourinho ee Real Madrid maadaama sadexdi kulan ee ciyaarti xalay ka horeeyey aysan guuleysan.
Real guushi xalay uma aheyn oo kaliyah koobki ugu horeeyey ee xilli ciyaareedkan oo ay qaadaan, balse waxa kale oo ay aheyd guushi ugu horeysay oo ay soo xera galiyaan xilli ciyaareedkan.
Laacibka cusub ee Real Luka Modric, oo badal kusoo galay ayaa loo dhiibay koobka si loogu sharfo, waxaana ay aheyd Super Cup-ki koowaad oo ay Madrid qaado tan iyo sanadki 2008.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Nairobi/Kenya
Afbakaylenews@gmail.com