Ururka Raaskaambooni oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay Jubadda Hoose
Wararka ka imaanaya Gobalka Jubadda Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Raaskaambooni iyo sidoo kale Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo wadada maraya ay jidka ku kulmeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab kadibna sidaasi uu ku qarxay dagaalka.
Axmed Maxamuud Maxamed Sayid Carab oo ka tirsan Ururka Raaskaambooni ayaa u sheegay warbaahinta in dagaalka uu ka dhacay deegan 40-KM ujirta Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose.
Sarkaalkani ka tirsan Ururka Raaskaambooni ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in dagaaladaasi khasaaraha dhankooda kasoo gaaray uu yahay kaliya inay dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.
Dhanka Al-Shabaab khasaaraha ay gaarsiiyeen ayaa wuxuu ku sheegay inay ka dileen 17-dagaalyahano islamarkaana 10 kamid ah meydadkooda ay hayaan oo ay ku hayaan Magaalada Afmadoow ee Gobalkaasi.
Marka laga soo tago guulaha ay sheeganayaan saraakiisha Ururka Raaskaambooni ee ku aadan dagaaladaasi ayaan jirin ilo ka madaxbanaan oo xaqiijineysa khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray labada dhinac.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/somalia
Afbakaylenews@gmail.com