WAR CULUS:- Madaxweyne Shariif oo aad uga baqanaaya in doonta ay ula ciirto sida saaxiibkiis Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa markaan waxaa soo wajahay qal qal iyo cabsi aad u xoogan isaga oo ka baqanaaya in doonta uu haatan saran yahay ee musharaxnimada inay ula rogmato sida saaxiibkii Shariif Xasan ay ula rogmatay oo kale.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Shariif oo qal qal aan caadi ahayn uu soo wajahay xilligaan uu wado kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanaayo xubno ka mid ah barlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale waxgaradka Soomaaliyeed si uu u helo xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa jirta in Sheekh Shariif uu ku adkeenaayo xildhibaanada Soomaaliya inay codkooda siiyaan si uu u helo xilka madaxweynaha Soomaaliya mar labaad.
Shariifyada ayaa waxay ahaayeen saaxiibo aad isugu dhaw oo dhanka siyaasadda dalka isku fahamsan, laakiinse xilligaan ayaa waxaad moodaa inay yihiin kuwo kala fogaaday maadaama Shariif Xasan ay la ciirtay doontiisa.
Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayaa waxaa la filaayaa in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaana xubnaha u taagan xilkaasi
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somaliya
Afbakaylenews@gmail.com