afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:54 am | Posted by

War Culus:-Xubno Siilaanyo U magacaabay Gobolka Cayn Oo Gaadhay Sooljoogto

Waxaa shalay gelinkii danbe gaadhay magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn rag kasoo kicitimay magaalada hargeisa kana socda maamulka siilaanyo.

Kooxdan ayaa la sheegayaa inay ka mid yihiin laba nin oo loo soo kala magaacabay badhasaabka gobolka iyo maayarka degmada waxayna kala yihiin

1.maxamed Maxamuud(xariir Dhegaweyne) oo siilaanyo ugu magacaaban Badhasaabka Gobolka Cayn

2.cismaan yuusuf maxamed(Galinwadaad) oo Isna ku magacaaban maayarka buuhoodle ee maamulka hargaysa.
Kooxdan kasoo kicitintay magaalada hargaysa ayaa shalay gelinkii danbe lagu soo dhaweeyey maygaagle iyo sooljoogto oo dhowaan ciidamada hargeysa dib uga gurteen.

Talaabadan uu qaaday siilaanyo ayaa u eeg shabbahdana tii magaalo madaxda sool aya gacanta somaliland ku gashay .

Waxa aan la saadaalin karin tallaabada ay qaadaan maamulka khaatumo iyo shacabka gobolka cayn.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Buuhoodle/Cayn

Maxamed Cali Bile

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM