afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
1:46 pm | Posted by

Daawo+Sawiro Cajiib ah:- Bilicda magaalada Taleex iyo Goobahii taarikhiga ahaa Ee magaaladaas(By-Cadnaan Saalax)

Wacan Oo wanaag san Akhristayaasha Shabakada Caalamiga ah Ee afbakayle.com, Sidaan Horayba idin ku balan qaadnay Inaan idiin soo gudbino muuqaalo kala gadisan oo aan idin kasooqadayno magaalooyinka soomaliya iyo waliba Goobaha Taariikhiga ah ee ay ku duugaan tahay Halgankii Kala Gadisanaa ee Daraawiishta.

Hadaba Waxaan maanta Halkan idin kusoo gudbinaynaa Sawiro ah magaalada taariikheedka taleex oo iyadu ahayd hoygii Gobanimo doonka umada Soomaliyeed, kaas oo lagaga soo horjeeday isticmaarkii Gumaystaha ahaa ee Ingiriiska iyo talyaaniga.

Magaalada Taleex ayaa iyadu xudun u ahayd halgankii Lagaga soohorjeeday gumaysiga,sanadiihii 1895 ilaa 1821kii waxay ahay mudo dheer oo ciidamada Daraawiisheed u horkacayay alle janadiisa Fardowsa haka waraabiyee Sayid maxamed Cabdule Xasan hagan dheer uu kulajiray isticmaarkii kusoo duulay Dalka soomaaliya ee kii Ingiriiska,kii talyaaniga iyo Xabashida,

Waxaana uu Sayidku uu xarun kadhigtay magaalada taleex Ee iadu katisan gobolka sool, Sababaha uu markaas uu sayidku u eexaystay inay taleex ay noqoto Xarunta Daraawiishta, ayaa waxay ahayd Deegaanka taleex oo ka tirsan Deegaanka Nugaasha ayaa nugaal waxay ahayd meel nugaali ku fiican Gamaanka Fardood oo xiligaa qayb wayn ka qadan jiray Dagalaada, waxa kale oo soodhaweyay oo uu qaraabaysanayay Sayidku Abtiyaashii oo dagaanaa Deegaankaas.

Waxaa in badan oo kamid ah dadka Degan Degmada taleex ay og yihiin inbadan marka lasooqaado daaraha caanka ah ee uu Sayid maxamed Cabdule Xasan Uu Ka dhisay Magaalada Taleex oo ay kamid yihiin Silsilad,Falaad,Daar ilaalo iyo Waliba Daar cad ay markaas dugsanayaan Taariikh Wayn.

Waxaa kale oo markaas reer taleex ogyihiin ama ay xasuustaan ingoobahaas lagu hirdamay ay daraawiishi kala hortagtay halkagankii hubaysnaa ee ay isticmaar kula jireen oo ay kamid yihiin Fardhidin,Afbakayle,Beerdhiga,Cagaarweyne,daratoole, Taargooye, Jidbaale iyo Jiidali iyo waliba Midhishi. goobtaas lagaga duulayay ingiris iyo xulufadiisaba magagaalada faca Weyn Ee Taleex.

Sikastaba ha ahaatee waxaa magaalada taleex ka muuqda markasta ama marka aad soogashid sarihii dhaadheeraa ee halkaas ay kadhiseen Xoogagii Daraawiish in kasto ay diyaaradahii DH9 looyaqanay ay bamgareeyeen madaafiif iyo Gildhigaan xoogleh Lala Dhacay misana Sarahaasi maysan liicin waxayna u dhisan yihin sidii Loodhisay, inkastoo aynaan jirin cid dayactir ku samaysay Taariikhdaa Maguurtada ah Ee shacabka Soomaaliyeed ay iska leeyihiin, misana Dadka reer taleex waxay ku hamiyaan inay dhalan doonto Dawlad iyadu goobahaas Caanka ah Dayactirta.

Sayid maxamed Goobaha Malitariga uun kaliya ma uu dhisin ee ay daraawiish kaga duuli jirtay Cawdga Gumaysataha ahaa ee waxa kale oo uu dhisay Talooyin ay ku asanyihiin Qaarkatisan qoyskiisa iyo Culumo awdiin iyo qaar katisan Qaadiyaashii daraawiishta markaas diinta barijiray.

Sikataabe ha ahaatee magaalada Taleex oo iyadu ahayd Goobti Marti galisay Shirkii khaatumo2 oo lagu soodhisay maamulka hada ka arimiya Deegaanada SSC, kaas oo ay isugu yimadeen aqoonyahanada iyo waxgaradka Beesha Dhulbahante, maamulkaas oo lagu magcaabo khaatumo State of somaliya

Waxaa Diyaariyay
Cadnaan Saalax maxamed
Cartan81@hotmail.com
Afbakaylenews@gmail.com

Sawir Qaade Yuusuf Cabdi Dheere

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

7 Comments for “Daawo+Sawiro Cajiib ah:- Bilicda magaalada Taleex iyo Goobahii taarikhiga ahaa Ee magaaladaas(By-Cadnaan Saalax)”

  1. cali
    August 31, 2012 - 2:11 pm

    Mansha allah aad ayaan ugu baahnayn Cid Sidan Sawiro Nooga sooqda Oo aan dawaano muuqalka Dalka Hooyo |Gaar ahaan goobaha magaca dheerle shabakada afbakayle aad ayaan ugu mahad celinaynaan

    Reply
  2. Gacmadheere
    August 31, 2012 - 5:19 pm

    War saaxiibayaalow daaraha magacyadooda maad kusoo hoos qortaan sawir keliya wax ba ma taree dadku si ay u bartaan. Anoo kalaa jiroo meelahaas taariikhiga waligiis tagine insha Allaah gooray noqotaba waan tagiye

    Reply
  3. ceeblaawe
    August 31, 2012 - 6:06 pm

    waad mahadsantihiin intiinii sawiradan sooqaday iyo intii faafisayba aad baan ugahelay waxanse codsanaya fadlan shirkiikhatumo barmamujyadi sii sidii suugantilagatirshay iyo hidiyodhaqanki laguso bandhigay wax cajil ah olagaduubay cidii meelk og amahaysa fadlan haygalasoxidhiidheen email. Kan ah,,, shahadiid45@hotmail.com lambarkaga igusodir anakusowacaye

    Reply
  4. TALAABO DHEEREE
    August 31, 2012 - 7:26 pm

    maansha aLLah waa caasimadii k00baad ee s0maLiya waa meeshii ugu h0raysay ee qaarada afrikaba Lagu weerarray diyaarad waa magaaL0 taariikhi ah

    Reply
  5. cawdhis
    September 1, 2012 - 7:07 am

    maansh alaah waa taariikh fiican taleex waa qadiimi
    anigoon taleex tegin taltalaabsan xaysimo miyaan akhiro tagaayaa awowahey baan ka maqli jirey , ayeeydeyna waxey ku dharin jirtey dhumey iyo qawlo ku wayee ,waa dooxiynka taleex maansh alæaah

    Reply
  6. qoje biixi
    September 1, 2012 - 10:01 am

    salaan sare dhulkaygiiyow ilaahayoow hana dilin anagoo taleex booqan

    Reply
  7. AHMED OROF
    December 6, 2012 - 12:09 pm

    Masha Allah taleex waa magaalo taariikh ah waxaana u baahanahay gobolka ay katirsan tahay inaan ogaado thank u

    Reply

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM