afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
1:38 pm | Posted by

War Deg Deg ah Xiliga la qabanayo Doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya oo goordhaw la Shaaciyay

Gudiga Doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhaw shaaciyay xiliga kama dambeynta ah ee la qabanayo Doorsahada Madaxweyne.

Kadib kulan Balaaran ay Maanta isugu yimaadeen Xubnaha Gudiga Doorashooyinka ayaa waxa ay ku doorteen Afhayeenka Gudigaasi waxaana loo doortay Xildhibaan Cismaan Libaax oo ahaa afhayeenkii gudigii doorashooyinka ee Gudoonka Baarlamaanka ee dhawaan la doortay.

Gudiga ayaa waxa ay shaaciyeen in 10-bisha Septemper la qaban doono Doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya ,waxaana la shaaciyay in araaji qabashada Musharixiinta bilaabaneyso 3-da Bisha kuna eg ilaa 6-bisha Septemper ee Sanadkan.

Wakhtiga araaji qabashada ayaa ka bilaabanaayo maalinkasta saddexda subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo ama 11-ka galabnimo, xafiiska araaji qabashada waxa uu ku yaallaa guriga golaha shacabka.

Waxaa sidoo kale Qudbadaha Musharixiinta loogu talagalay 7-ilaa 8-da Bisha Septemper in la dhageesto kadibna la isku diyaariyo doorashooyinka sida ay gudiga Shaaciyeen.

Wali ma aysan soo gudbin gudiga Shuruudaha looga baahanyahay Musharixiinta u taagan xilka Madaxweyne ee Soomaaliya waxa ayna carabka ku dhufteen in Shuruudaha looga baahan yahay Musharixiinta lagu dhawaaqi doono maalinto berito ah Insha Allah.

Dad badan ayaa isha kuhaya Doorashada Madaxweyne ee hada isku soo sharaxeen in kabadan 30-Musharax sida look ala reebi karo iyo cida ugu dambeyn kusoo bixi doonto inkastoo ay jiraan rag loo saadaalinayo in ay kusoo bixi karaan.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM