WARBIXIN CULUS:-Masiibadii ku habsatay Hogaamiye kooxeed shalaay ayaa ka dambeesay.
Markii ay dhacday dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa dalka usoo baxay rag wata magaca hogaamiye kooxeed misane tiradooda aanu yareen, hase ahaatee ragaasi waxa ay ahaayeen kuwo hubeesan oo mid walba uu lahaa maleeshiyaad ka amar qaata, iyadoona mid walba uu heli jiray taa kuleen gaar ah sida ay doonta hasa ahaatee ama dantii la rabo halaga yeeshee.
Hogaamiye kooxeedyadii oo in ka badan 14-sano dalka sida ay doonaan ka yeelanaayay ayaa waxay xilligaasi ku heshiin wayeen in inteey meel isugu tagaan misane ay soo dhisaan dowladda ay ku wada dhanyihiin, iyadoona midaasi ay isla garan waayeen.
Hase ahaatee dalka oo markaasi dhibaatadiisa bilaw ahayd ayaa waxaad moodaa in uu sii bur buraayay, iyadoona mararka qaar ay is ugaar san jireen hogaamiye kooxeedyadaasi sida bisad iyo Jiir.
Laakiin waqtiga waxa uu socdaba hogaamiye kooxeedyadii waxa ay dalka gaarsiiyeen heer uu bur buro, qabiil qabiil la’isku ugaarsado, iyo in meelo badan oo bulshada wada lahayd ay baa’baan.
Horaa waxaa loo yiri wixii kuu qoran kuma seegaanee Soomaaliya waxaa xilligaasi ay ahayd mid aan la garan qaab loo xasiliyo iyadoo dhowr jeer la’isku dayey hase ahaatee ay socon weysay midaasi.
Waxaa wixii hore beentaa yiri markii la’isku keenay wixii hogaamiye ahaa si ay u midoobaan dalkana ay u dhisaan, laakiin waxba kama naasa cadaan wada hadaladaasi oo waxay noqotay hal Bacaad lagu lisay.
Waxaa jiray dowlado badan oo KMG ahaa laf dhuun gashayna ay ku noqdeen hogaamiye kooxeedyadii oo markaas hadii aad weydiiso waxa ay ku diidan yihiin dowladahaasi aanu kuu sheegi karin jawaab waafi ah oo sababta diidamdooda ku qeexan.
Tusaale dowladii C/qaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay Jabuuti misane waqtiga badan la geliyay waxaa afka ciida u daray hogaamiye kooxeedyadii xilli shacabka oo nabad u baahnaa ay u riyaaqayeen dowladaasi.
Wixii hogaamiye kooxeed dalka uu ku tamashleeyo waxaa meel aysan fileen uga soo baxay rag la baxay Midowga Maxkamadaha Islaamiga oo hogaamiyaashii xooganaa carar ka keenay ilaa badankooda ay Baydhabo ku kala cararaan iyagoona hoosta ka galay dowladii uu hogaaminaayay C/laahi Yuusuf oo iyaga lee ka shaqeen la’eed waxaana muddo ay ahaayeen kuwo sida shimbir baalasha laga jaray Baydhabo ku sugnaa ilaa dowladii C/laahi Yuusuf ay Muqdisho ka timaado.
Hadal badan haan ma buuxshee hadaan dulucda faladaan usoo dego ayaa waxay tahay in weli caqabad culus ay heesato hogamiye kooxeedyadii iyo inta taageeri jirtay waxaana ilaa iyo haatan ay yihiin kuwo si sal adag leh aanu ku helin kuraastii baarlamaanka ay ka heleen, iyagoona lagu dhejiya magac weyn oo ah dagaal Oogayaashii dalka iyo wax la mid ah.
Horaa waxaa loo yiri intaadan falin ka fiirso, waxaana taa ay ka dhigan tahay xaaladda jah wareerka iyo fikirka culus ee soo wajahay ragii ka mid ahaan jiray hogaamiye kooxeedyadii dalka oo qaarkood ku fikiraaya “War maxaa hogaamiye kooxeed iga dhigay, maxaan nabada u ogolaan waayay, toloow magacaan igu dhagay sidaan isaga masaxaa”
Si kasto ay ahaataba Soomaalida waxay tiraahdaa Shalaay ma horeeyee wuu dambeeyaa, waxaana sidoo kale ay yiraahdaan Soomaalida magac iyo musiibo maalin ayeey ku raacaan, balse gaba gabadii ayaa ah in hogaamiye kooxeedyadii culees laga saaro talada dalka ma dan siyaasadeed oo gaar ah baa ku jirta mise waa mid daacad ahoo cid walba oo dambi gasha ayaa arintaasi lagu sameen doonaa, mase la dhihi karaa Masiibadii ku habsatay Hogaamiye kooxeed shalaay ayaa ka dambeesay.