DEG DEG: Madaxweyne Shariif oo soo magacaabay Kaaliyaha Guud ee Dowladda
Xilli Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo uu waqtigiisu uu dhamaaday ayaa wuxuu soo magacaabay Kaaliyaha Guud ee Dowladda Soomaaliya, ka gadaal markii uu shaqada uu isaga tegay Kaaliyihii hore.
Wareegto goor dhaw ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Shariif uu ku lee-yahay Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa wuxuu Kaaliyaha Guud ee Dowladda Somaliya uu ugu soo magacaabay Axmed Yuusuf Muumin “Siraaji”.
Wareegtada ayaa waxaa lagu xusay kadib markii shaqada uu isaga tegay Kaaliyihii hore oo aanu magaciisa la-shaacin, ay taasi Madaxweynaha ku keentay in uu soo magacaabo Kaaliyihii bedeli lahaa.
Axmed Yuusuf Muumin oo loo-yaqaano Siraaji ayaa waxaa wareegtada lagu sheegay in uu yahay Kaaliyaha Guud ee Dowladda Soomaaliya, kadib markii uu u soo magacaabay Shariif Sheekh Axmed.
Raa’isal Wasaare Gaas iyo Golahiisii Wasiirada ayaa waxay horey u sheegeen inuusan Madaxweynaha waxba magacaabi kareyn, maadaama ay sheegeen inuusan awood u laheyn in uu kiligii wax soo magacaabo amaba go’aan qaato.