afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:03 am | Posted by

WAR DEG DEG AH:- Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo la wareegay deegaan ku yaala J/hoose.

Wararka haatan naga soo gaaraya gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay dagaal culus kula wareegeen deegaan ka mid ah gobalkaasi gaar ahaan deegaan u dhaw dhanka magaalada Kismaayo.

Deegaankaan oo ah tuulo aad u yar ayaa magaceeda waxaa naloogu sheegay Budhi waxaana halkaasi ku sugnaa ciidamada Al-shabaab, iyadoona Al-shabaab laga qabsaday deegaankaasi.

Mid ka mid ah saraakiisha dowladda Soomaaliya oo aynu qadka taleefanka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in ciidamada ay haatan yihiin kuwo kusii socda dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

Dhanka kale weli waxaa dagaalo ka soconaayaan deegaano badan oo ku dhaw magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi ku wada dagaalamaaya ciidamada Xarakada Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya kuwa Kenya, ilaa iyo haatanna
lama xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.

 

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.
Xafiiska Shabakada afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakalenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM