afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:49 am | Posted by

WAR DEG DEG AH:- Shacabka reer Kismaayo oo markii ugu horeeysay si rasmi ah u jabiyay amar ay Al-shabaab kusoo rogeen.

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in shacabka ku dhaqan magaaladaasi ay markii ugu horeeysay jabiyeen amar ay horay usoo rogeen Xarakada Al-shabaab.

Shacabka ayaa bilaabay in si aan gambasho lahayn ay uga kala cararaan magaaladaasi, iyadoona qof walba uu gaari keensaday misane naftiisa uu la baqaayo maadaama habeenkii xalay halkaasi duqeeyn xoogan lagala daalay.

Shacabka ayaa waxaa la arkaayaa iyaga oo alaabtooda gaadiid badan ku raranaaya, waxaana ay doonaayaan
inay naftooda ka bad baadsadaan magaalada Kismaayo oo badda, dhulka iyo cirkaba laga soo weeraraayo.

Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa isku dayey inay dadkaasi celiyaan, hase ahaatee dadka oo aad u karay ayaa u sheegay in intii Kismaayo ay kusii nagaan lahaayeen inay ka xigaan inay dhintaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe Insha Allah.

Xafiiska Warbaahinta Afbakayle.com
Moqdisho/somalia
afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM