DAAWO+SAWIRO:-Jaaliyadda Khaatumo Ee Toronto Oo Xaflad is xogwaraysi Ah ku qabsaday Beeraha Dalxiiska Ee Dalkaas
Jaaliyadda Khaatumo state ee ku nool magaalada Toronto, ayaa isugu soo baxday(Picnic)barxad ku taal galbeedka magaaladaas,iyadoo ay kasoo qaygaleen dadweyne tiro badan oo isugu jira rag, haween, dhalinyaro iyo caruur.
Waxaana halkaas la keenay cuntooyin iyo macmacaan ka jaad ah oo aad looga helay. iyadoo dhanka kalena lagusoo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka.
Xubno ka tirsan gudida jaaliyadda oo goobtaas hadalo kasoo jeediyey waxay mahadnaq u jeediyeen dadkii kasoo qaybgalay Picnic ka.
Waxayna sheegeen inuu noqon doono mid sanadle ah oo la qaban dono xilliga xagaaga. hoos ka daawo sawiro.. dhowaana waxaanu idiinsoo tebin doonaa maqal iyo muuqaal